Murranka Dowladaha Kenya iyo Somaliya ee illaalinta Badda oo sii xoogeystay

Sunday 17 February 20130 comments




Dowlada Soomaaliya ayaa Golaha Amaanka ka codsatay in ciidamada bada ee Kenya ee kamid ah AMISOM aan awood iyo dhaqaale lagu siin illaalinta bada Soomaaliya.


Baaqka ka yimid Dowlada Soomaaliya ee ku socda Golaha Amaanka ayaa maalinimadii Khamiistii Golaha Amaanka ka hor akhrisay Raysalwasaarae kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf.

Diidmada Soomaaliya

Jaraa’idka dalka Kenya ayaa si weyn uga hadlay baaqa Soomaaliya kasoo baxay  ee ku socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyey xili dowlada Kenya ay codsatay in ciidamadeeda bada sanad walba lasiiyo $10 milyan oo dollar hawlgaladeeda ciidamada Bada iyo maraakiibta ku sugan biyaha dalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa codsatay in loo dhiso ciidamadeeda Bada isla markaana dhaqaalaha lasiin lahaa ciidamada bada ee AMISOM (Kenya) lagu maalgeliyo dib u dhiska ciidamada bada ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay jirto baahi ah in la illaaliyo biyaha ama badaha dalka Soomaaliya, balse arrintaasi aysan noqon karin xal mustaqbalka dheer, balse loo baahan yahay in dalka Soomaaliya dib u dhisto awoodisii ciidamada bada.

Arrintan ayaa lagu soo waramayaa inay dowlada Kenya si weyn uga xumaatay sida ay qorayeen qaar kamid ah jaraa’idka kasoo baxa dalka Kenya.

Jawaabtii Kenya

Safiirka dalka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb.Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladiisa ay ka xuntahay go’aanka dowlada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in muhiim tahay in ciidamada bada ee Kenya ka hortagaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee dhanka bada ah.

Wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM xiligan baahi u qabaan sidii lagu sugi lahaa bada dalka Soomaaliya.

“…Waxaanu ognahay in Soomaaliya xiligan aysan lahayn awood ay  badeeda ku illaalsato…” ayuu yiri Amb.Macharia Kamau Safiirka Kenya u fadhiya UN-ka.

Baaqii Ban Ki Moon

Qoraalkii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyey Golaha Amaanka khamiistii lasoo dhaafay, ayuu ku sheegay in Golaha si aad ah u tixgeliyo codsiga ka yimid Midowga Afrika ee ku aadan in awood loosiiyo illaalinta bada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameriko oo wareysi siiyey Jaraa’idka Daily Nation ayaa faah faahin ka bixiyey siyaasada Dowlada Soomaaliya ee ku aadan arrinta ciidamada bada ee Kenya.

Cali Ameriko ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan diidaneen dhaqaale lasiiyo ciidamada bada ee Kenya balse sheegay in dowladiisa dooneyso sidii lagu dhisi lahaa ciidamada badda ee Soomaaliya.

Dhamaadka Wakhtiga AMISOM ee Somaliya

7da bisha Maarso: ayey  ku egtahay wakhtiga awooda loo siiyey hawlgalada ciidamada AMISOM, waxaana Golaha Amaanka laga cosaday in wakhtiga usii kordhiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya oo xiligan xubin ka ah wadamada ciidamadooda ku jiraan AMISOM ayaa dooneysa wakhti kordhinta cusub ee Golaha Amaanka siin doono ciidamada Midowga Afrika, lagu daro dhanka illaalinta badda Soomaaliya.

Halka dowlada Soomaaliya dooneyso in dhaqaalaha lagu bixinayo illaalinta bada ee AMISOM la geliyo ciidamo Soomaali ah oo bada illaaliya.

Hase yeeshee wadamada Afrikaanka ah ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan aysan lahayn ciidamo xilkaasi qaadi kara oo awood ulleh la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo burcad badeeda


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved