Marwalbo Waan is Jecelnahay Lakin Ismana Fahano(Aqriso)

Saturday 23 February 20130 comments

Maahan wax ku cusub Lamaanaha Xariir wadaaga ah iyagoo is raba hadana isku qanacsaneen taasoo ay sabab u tahay waxyaabo si sahal ah lagu xalin karo.

Lamaanaha waxaa wanaagsan ineey ka run sheegaan xariirkooda, Kahor qormadeyda inta aanan ugda galin aan soo qaato hadal Murtiyeed ahaa” I Jiid aan ku Jiido waa Gacmo Daalin” Hadii labada lamaane ay waqtigooda qaaliga ah ku dhunshaan Wada sheekeysi anaanan la balamin waqtiga laga run sheegayo waxaa imaan karta in midkood ka caajiso xariirka.

Tusaale : Marka aad mudo dheer wada socotaan adiga & Gacaliyahaaga/Gaclisadaada waxaa imaanaya in Xariirkiinu xiisaha ka damo waxaana u sabab ah labada arimood sida aan anigu aaminsanahay.

Tan koowaad , in Wiilka la dhihi karo waxa uu ka gaabiyey bisleenta dhariga dabka saaran, waxaa wanaagsan mar hadii uu isfahan yimaado in laga run sheego oo xariirkaasi lagu badalo mid Qoys , waa muhiim inaad ka run sheegtaa haasaawahiina ku tasho Jeebkaaga intuusan dherigu karkarka ka badanin.

Tan labaad waxaay noqon kartaa in Wiilku wax walbo diyaar la yahay balse gabadhu xoogaa jilibka u aasanyahay oo aysan diyaar u eheen aas aasida & Ka run sheegida Xariirkaasi , kahor inta aanan loo bandhigin Codsiga guurka waxay soo xireysaa dhinac walbo oo looga muraadi lahaa.

Waxaan dhihi karaa hadii Labada qofi midkood duruuf heysato kuna raagto intii mudo ah waxuu xariirkaasi noqdaa mid waqti walba isku dhac keena , Isku dhaca oo soo laab laabtana waxuu sababi karaa in Xiisuhu yaraado halkaasna ka yimaad is faham daro joogta ah.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved