Madaxweyne Maxamuud Axmad Najaad oo kabo madax looga garaacay. Yaab!! ++(Sawiro)

Tuesday 12 February 20130 comments




Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Masar ayaa sheegay in ay damiin ku sii daayeen dhowr qof oo Masaari ah oo la sheegay inay Madaxweynaha dalka Iiraan, Mohamoud Ahmadnejadi ku tureen kabihii ay wateen.

Hadal ka soo baxay Boliska Masar, ayaa sheegay inay qabteen afar nin oo ka tirsan Kooxda Salafiya, kuwasi oo kabo ku tuuray Madaxweynaha Iiraan oo xilligaasi booqasho ku marayey Xarunta Al-azhar Shariif ee magaalladda Qaahira.

Hadal ka soo baxay Xeer-ilaalinta dalkaasi ayaa lagu sheegay inay afar qof oo Sunniyiinta Muslimka ah ay qeyb ka ahaayeen Dibadbixii looga soo horjeeday Ahmednejaadi.

Dhacdadan ayaa waxaa kaloo ku xigtay isku-day uu nin kale ku doonayey inuu Madaxweynaha Iiraan ku dhufto kabo, mar uu Azmednejadi ku lugeynayey meel ku dhow Masjidka Qaddiimiga ee ku dhow ALazhar.

Muuqaal Video ah ayaa laga daawaday nin ka sii gudbaya Ciiddankii Ammaanka, isla markaana isku-dayey inuu Ahmednejadi madaxa ka garaco, ka hor intaysan Ilaaladda la cararin Madaxweynaha.

Ma aha markii ugu horreysay oo Madaxweyne Qaran lagu tuuro kabo, tamaandho iyo ukun, iyadoo Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George Bush Yarihii lagu weeraray
kabo xilli uu booqanayey caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad. 



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved