Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London

Sunday 3 February 20130 comments




Munaasabadan balaaran oo ay xalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London u qabteen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ujeedadeedu waxa ay aheyd in ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynahooda islamarkaana ay kala hadlaan xaalada wadanka uu Marayo iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed ee kunool Dibadaha gaar ahaan wadanka Ingiriiska.

Waxa kasoo qeybgalay xafladii xalay madaxweyne Xassan Sheekh, xubnaha wafdiga lasocday oo ay kamid yihiin Ra’isul wasaare kuxigeen ahna wsiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Saraakiil kasocotay xafiiska madaxweynaha iyo dad Soomaaliyeed oo aad u Farabadan islamarkaana isaga kala yimid magaalooyinka dalkaasi.

Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay munaasabada soo Dhaweynta aheyd oo ay ugu talagaleen madaxweynaha iyo wafdigiisa Waxayna bogaadiyeen horumarada ay dowladu ku talaabsatay iyo dadaalka ay madaxda Qaranku ugu jiraan soo nooleynta xiriirka caalamka iyo Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa khudbad dheer oo uu uga hadlaayo xaalada dalka u Jeediyay dadka Soomaaliyeed ee soo dhaweynta u sameeyay waxa uuna ugu Horeyn uga mahadceliyay jaaliyadda soodhaweynta ay u sameeyeen isagoo Warbixin kooban kasiiyay xaalada dalku uu xiligan marayo iyo isbedelka ay ka Sameysay dowlada cusub ee uu hogaaminayo.



Verdana, sans-serif;">Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa kusoo hadal Qaaday aqoonsiga dowladaha caalamka ee Soomaaliya iyo xiriirka cusub oo uu dalku layeeshay caalamka ayaa waxa uu tilmaamay in aqoonsiga dowladu ay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya wanaag walba oo laga dhaxlana ay Qeybsan doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu khudbadii uu xalay u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool dalka Ingiriiska waxa uu uga hadlay imkaaniyaadka ay dowladu u baahantahay iyo kaalinta ay dadka qurbajoogta ah ka qaadan karaan waxa uuna ugu baaqay in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarka Wadanka iyo kharashaadka loo baahdo.

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa socdaal ku marayo dalal katirsan Yurub Ujeedadiisuna waxa ay tahay inuu dib usoo nooleeyo xiriir cusub oo ay Dowladaha caalamku layeesheen dowlada iyo dalka Soomaaliyeed iyadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa wadan kasta oo ay tagaan islamarkaana Soomaali ku nooshahay loogu sameynayo xaflado soo dhaweyn iyo is wareysi ah.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved