Daawo Sawirro cajiib badan oo laga soo qaaday Xaflad qalin jabin ah oo xalay ka dhacday gobolka Qadaarif

Sunday 3 February 20130 comments







 Xafladani oo aheyd mid si heer sara ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiinta gobalka Qadaarif, Madaxda Dalada Daryeelka Ardayda Ajaanibta ah, Maamuulka Jaamacada Qadaarif, Madaxda Midawga Ardayda Jaamacada Qadaarif, Hooyooyin iyo Marti Sharaf kale oo Soomaaliyeed.

Waxaana sanadan jamacada qadaarif ee dalka Suudan ka qalinjabiyey arday soomaaliyeed oo gaareysa 15 kuwaa oo dhameeyey kuliyadaha kala duwan oo ay ka kooban tahay jamacadaasi.

Ayadaha Qur’aanka Kariim ka ah kadib waxaa microphoneka la wareegay Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Gobalka Qadaarif Mudane C/llaahi Yusuf Maxamed waxa uuna u hambaliyeeyay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u idlaatay
Halka uu ku booriyey kuwa kale ee wali usocoto waxbarashada in ay halkooda kasii wadaan dadaalkooda illa iyo inta ay ka gaarayaan hadafkii ay u yimaadeen dalka suudan gaar ahaan gobolkan.

Sidoo kale waxaa ayagana madasha ka hadlay Masuuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Mudane Maxamed Cabdul Fadiil Kuli oo ah Duqa Magaalada Qadaarif , Xog-hayha Dalada Daryeelka Ardayda Ajaanibta ah, Maamulka iyo Macalmiinta Jamacada Qadarif iyo Waliba Gudoomiyaha Midawga Jamacada Qadaarif waxa ayna masuuliyiintani dhamaantood u wada Hambalyeeyeen Ardaydii Soomaaliyeed ee dhameeysatay Waxbarashadooda Jamacadeed iyagoona Ardayda kula dar-daarmay samata bixinta Dalkoda iyo Dadkooda.

Intii lagu guda jiray damaashaadka xafladan ayaa fananka da’da yar yuusuf maxamed xaashi "Yusuf Yare" kusoo bandhigay heeso ay u riyaaqeen dhamaan martidii kaso qeyb galayaashay xafladani.

isla maslaxii ay ka socotay xaflada waxaa isna Tix Gabay ah oo quseesa Waxbarashada Goobta kasoo jeediyay Abwaan C/llaahi Macalin Nuur Xirsi Siyaad oo Ka mid ah Ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudan.

Ugu dambeyntiina Waxaa Shahaadooyinkoodii la gudoonsiiyay Ardaydii Dhameeysatay Waxbarashadooda Jaamacadeed ee Xalay Dabaal-dageeysay.

Mana ahan markii Ugu horeeysay oo xaflad nuucan oo kale ah ay sameeyaan Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Gobalka Qadaarif.
























_




_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved