LAYAABKA DUNIDDA:- Nin mindiyo watay oo weeraray Qasriga Boqortooyadda Britain ee London ” SAWIRO ”

Monday 4 February 20130 comments



Nin mindi luqunta isaga hayey ayaa shalay isku tijaabiyey inuu orod ku galo Qaxriga Boqortooyadda Britain ee Buckingham Palace ee magaalladda London.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu falkaasi geystay xilli ay Ciiddanka Ilaaladda ee Qasriga is-beddelayeen, waxaana si kedis ah u qabtay Ciiddan kale, kuwaasi oo ninkii xoog uga qaaday saddex mindi uu watay, ka hor intaysan Xabsiga u gudbinin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkayeen Ciiddanka oo hareereeyey Ninkaasi abaarihii 11:50 barqanimo, waxayna Ilaaladda ugu baaqeen dadka inay halkaasi ka fogaadaan.

Josh Greenberg oo isagu Sawir ka qaatay dhacdadaasi, ayaa sheegay inuu maqlay dhawaaq qeylo ah meel ku beegan inta u dhexeysa Victorial Memorial iyo Qasriga Buckingham Palace, isla markaana uu arkay nin dhallinyarro oo mindi luqantiisa ku hayey.

Josh waxa uu xusay inuu ilbiriqsiyo kadib arkay Boliska oo ninkii hareereeyey, kana tuuray mindidii, ka hor intaysan ninka saarin dhabarka dambe ee gaarigii u sii gudbiyey Saldhigga Boliska.

Kevin Burrows oo 33-jir ah oo isagana goobtaasi joogay ayaa Saxaafadda u sheegay inuu arkayey nin u sii ordaya dhinaca albaabka Qasriga, wuxuuna xusay inuu u maleynayo inuu ninkaasi watay saddex mindi.

Boqolaal Dalxiisayaal  oo u soo tamashle tegay Qasriga ayaa iyagana daawanayey dhacdadaasi.



Ninka mindiyaha watay ee ay Ilaaladda Qasriga qabteen oo da’da 50-aadka ku jiray ayaa loo gudbiyey Saldhigga Dhexe ee London, si su’aallo iyo baaritaanno caafimaad loogu sameeyo.
Wararku, wxay sheegayaan inay Boqoradda Britain, Queen Elizabeth JJ iyo Duck of Edinburgh xilligaasi ku sugnaayeen Qasriga.

Ma aha markii ugu horreysay oo qof lagu hor-qabto Fagaaraha Qasriga looga taliyo Britain, iyadoo 224- oo dhacdadaasi oo kale la diiwaan-geliyey intii u dhexeysay October 1-dii ee sannadkii 2010 ilaa bishii March 31-dii ee sannadkii 2011




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved