Haweeney u dhalatey Holland oo si wanaagsan oo cajiib ah ugu hadasho luqada Soomaaliga (Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Wednesday 20 February 20130 comments





Haweeney u dhalatey dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay si wanaagsan oo cajiib ah ay ugu hadasho luqada afka Soomaaliga iyadoona haweeneydaasi laga yaabo inay ka badiso afka Soomaaliga qaar badan oo ka mid ah dad sheeganaayo inay yihiin Soomaali. 

Daawo Muuqaal ahaan Sida Luqadda Soomaaliga loo Bartay

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Lidwien Kapteijns laakiinse lagu naaneyso oo uu magaceeda Soomaaliguna yahay Ladan oo asal ahaana ah haweeney u dhalatey dalka Holland islamarkaana ah Profossorad iyo waliba qoraa ayaa waxaa la sheegay inay si wanaagsan oo la yaab leh ay ugu hadasho luqada Afka Soomaaliga iyadoona run ahaantii aad la yaabeyso sida ay erayada afka Soomaaliga ay ugu dhawaaqeyso iyo sida fudud oo uu qof kasta oo soomaali ah uu u fahmi karo haweeneydaas Hollandeeska ah, Haweeneydaan oo mudo aad iyo aad u dheer ku soo dhex jirtey barashada suugaanta iyo afka Soomaaliga ayaa waxay arintaasi keentay inay noqoto qof si habsami ah ugu hadli karo luqada afka Soomaaliga.


Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaasi ay sidaas wanaagsan ugu hadli karto luqada afka Soomaaliga ayaa run ahaantii waxaa jira dad badan oo Soomaali ah oo ku dhashay ama ku korey wadamada dibada oo ay ku adag tahay inay ku hadlaan luqadooda hooyo iyadoona ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u badan caruur ku dhalatey wadamada qurbaha amaba ku korey oo ay adag tahay in la fahmo marka ay ku hadlayaan afka Soomaaliga maadaama ay caruurtaas inta badan ay ku hadlaan luqadaha aajanabiga ah ee lagaga hadlo wadamada ay ku nool yihiin arintaas oo meesha ka saareeyso gebi ahaanba barashada luqadoodii hooyo ee ay u dhasheen. 




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved