Faransiiska oo layaaban rogaal celinta xoogaga Islaamiyiinta ee Mali

Tuesday 26 February 20130 comments

Dowlada Faransiiska ayaa xaqiijisay inay sii xoogeysanayaan dagaalada ka socda dalka Mali, kadib markii ay soo rogaal celiyeen xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya dalkaasi.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay weeraro bambaano oo maanta ka dhacay magaalada Kidal ee waqooyiga dalkaasi Mali, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray lala beegsaday ciidamada Faransiiska ee deegaankaasi ku sugan.


Xoogaga Jihaadiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Mali ayaa horey si fudud uga baxay magaalooyinka ku yaal Waqooyiga dalka Mali oo ay horey saldhigyo ugu lahaayeen.


Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Dowlada Mali oo si fudud ku galay magaalooyinkaasi ayaa hada la kulmay duulaano isdaba jooga ah iyo dagaalo gaadmo ah oo ay la beegsanayaan xoogaga kasoo horjeeda.


Magaalada Goa iyo Kidal oo ay todobaadyo kahor galeen ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ayaa hada waxaa joogto ka noqday weerarada gaadmada ah oo ay kooxahaasi ka geysanayaan.


Dowlada Faransiiska ayaa dhankeeda xaqiijisay in uu sii xoogeystay dalka ka socda Mali xili ciidamada Faransiiska isku diyaarinayeen inay halkaasi ka baxaan horaanta bisha April. Faransiiska ayaa hada shaki geliyey inay si deg degleh uga soo bixi karaan dalka Mali, wakhti dhaqaale badan uga baxayo dowladaasi ciidamada ka jooga Mali.



Hablaha Media Network

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved