Dowlada Soomaaliya oo ku abaal sheegatay mid kamid ah Dowlada ugu awooda badan Aduunyada Xiligan

Friday 1 February 20130 comments




Wasiirka rimaha dibada Soomaaliya, Fooziyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo Addis Ababa wareysi ku siisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Soomaalidu ay horay u caawisay dowlada Shiinaha.

“Markii Shiinaha laga faquuqay in uu kamid noqdo golaha amaanka, waan caawinay waxa aan ugu ola oleynay in ay galaan shanta dal ee joogtada ah ee kujira golaha amaanka”, Sidaa Fooziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyada oo fraxsan ugu faantay wariyihii wareysanayay.


Wasiirka ayaa waxa uu intaa raaciyay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay saaxiiba ahaayeen laga soo bilaabo 1960-kii xilligaas oo Soomaaliya ay xurnimadeedii
heshay, kana mid noqotay Qaramada Midoobay.

Waxa ay shegagtay in Shiinuhu dhankiisa uu u dhisay Soomaaliya Isbitaal, garoon kubada cagta lagu dheelo iyo wada muhiim ah oo caasimada iyo gobalada waqooyi ee dalka isku xirta.

Arintaan ayaa waxa ay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya, maadaama lahelay madax kufaani karta abaalkii ay horay ugu geesteen dowladaha ugu tunka weyn dunida.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved