Aqriso magaca masuul katirsan wasaarada maaliyada Soomaaliya oo hotel uu deganaa ay kala bexeeen Ciidamada nabad sugidda. Tolow Maxaala lagu helay...

Friday 1 February 20130 comments




Maxamuud Maxamed (Leyloon), agaasimaha canshuuraadka dekadaha Soomaaliya, ayaa habeenkii xalay ahaa hotel uu kadeganaa magaalada Muqdisho waxaa kala baxay ciidamo kasocda Nabad Sugidda Soomaaliya si ay su’aalo u weydiiyaan.

Masuulkaan ayaa waxaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay ku warameen in fiidnimadii xalay ay hoteelka uu kunoolaa ay ugu yimaadeen ciidamo nabad sugid ah ayna amr kusiiyeen in uu raaco si ay su’aali u weydiiyaan arintas oo uu u hogaansamay.

Leyloon oo aan lasheegin halka lala aaday ayaa saacad kadib ciidamadii kexeestay waxa ay kusoo celiyeen hoteelkii uu kunoolaa, inkasta oo sababaha loo kexeestay lagu sheegay daba gal laxariira Musuq maasuq lagu soo eedeeyay.


Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Maxamuud Maxamed (Leyloon) arintiisu ay waayahaanba taagneed iyada oo Wasiirka maaliyada iyo R/wasaaraha lasheegay in ay kukala aragti duwanaadeen sida laga yeelayo aayihiisa.

R/wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa waxaa lasheegay in uu ku taliyay in laxiro halka wasiiraka maaliyada isna uu ku andacooday in marka hore baaritaan dheer lasameeyo hadii wax ku cadaadaanna isagu
maadaama uu maaliyada qaabishanyahay xarigiisa wax ka ogaanayo hasa yeeshee wasaaradiisa aan loo gacan dhaafin.


Si dhab ah looma oga in waiirka maaliyada iyo wasiirka koowaad ay arintaasi dhex martay hasa yeeshee waxaa xaqiiqa ah in masuulkaan waqti kooban ay heesten ciidamo nabad sugida ah oo hoygiisa kala baxay.


Waxaa jira oo kale warar sheegaya in ay jirto xurguf u dhexeysa Maxamuud Maxamed (Leyloon) iyo ganacsato uu kahor joogsady Qamadi ay dalka ka dhoofin lahaayeen oo dekada Muqdisho ku xaniban kuwaas oo ku raaraadinaya danbiyo iyo waxyaaba sababi kara in uu booska ka wareego si Qamadigooda ay u dhoofsadaan.

Si kastaba, hotel kala bixida Maxamuud Maxamed ayaa waxa ay imaaneysaa xilli masuuliyiin katiran waaxda wax barashada ee wasaarada horumarinta arimha bulshada oo lagu eedeeyay Musuq ay kujiraan xabsi ku yaalla Waaxda denbi baarita ee (CID).



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved