Dowlada Iiraan oo soo saartay Diyaarad dagaal oo aysan radaradu Qaban Karin Rer Galbeedka oo yaabay..

Monday 4 February 20130 comments



Xili Dowlada iiraan u Muuqato awooda carbeed marka laga Reebo dalka Masar iyo Suriya oo dagaalo ka socdaan ku dhawaad 2 sanao ayaa saacado ka hor waxa uu Madaxweynaha dalkaas ka qeybgalay xaflad lagu soo bandhigayay dayuurad dagaal oo madaxda dalka Iiraan ku tilmaameen inaysan arki karin raadaarada.

Madaxweynaha dalk Iiraan Axmednijad oo Dalka Iiraan ku soo dhaqayay sanadihii la soo dhaafay siyaasad horumar leh ayaa ka Qeybgalay xafladaas waxa uuna ku Tilmaamay diyaaradaas in ay tahay mid lagu Hor marinayo Difaaca wadanka maadaama wadanka uu leeyahay cadow badan.

Axmednijad ayaa sheegay in Dowlada Iiraan ay samaynayso wax walba oo ay ku Difaacayso dadka iyo dalka Iiraan.

Sidoo kale Dayuurdan ayaa lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Tehran lagana daawaday taleefishinka dalka Iiraan ayaa madaxweyne Axmednijad waxa uu sheegay in dayuuradan ka mid tahay dayuuradaha dagaalka
loo isticmaalo kuwooda ugu horumarsan.

waxaa lagu Beegay xafladan 34 guurada kacaankii ka dhcay dalka Iiraan 1979kii, 10- cisho ka hor ayay ahayd Markii Dowlada Iiraan ay soo bandhigtay gantaal loogu magic daray Pishgam kaas oo uu saarnaa daayeer nool, waxana uu gantaalkan gaaray fogaan ah hawada sare 120km (75 miles).

Reer galbeedka ayaa ka yaaban horumarka xowliga ah oo uu ku socdo Difaaca Iiraan oo Maraykanku iyo Yuhuuda ay doonayeen in ay mar uun dabka ka lumiyaan oo ay u Weeraraan sida 21-Marso 203 ay u Weerareen mid ka mid ah awoodihii Xiligaas ee Wadamada Carabta.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved