DAAWO SAWIRADA: Libaaxyo xiray wado Muhiim u ah isku socodka Magaalada Nairobi iyo madaxda Dowlada

Saturday 16 February 20130 comments



Libaaxyo ka mid ah kuwa lagu xanaaneeyo xerada sadaexaad ee ugu weyn caalamka ee Masay Mara ayaa shalay xiray wado muhiim u ah isku socodka Magaalada Nairobi iyo madaxda Dowlada Kenya.

Libaaxyadan oo ahaa labo ayaa ku ciyaarayay Wadada Highway-ga, iyagooo aan wax cabsi ah qabin, waxaana ay ku ciyaarayeen mudo dheer.

Gaadiidka ayaa dhamaan isugu yimid wadada, waxaana ay taagnaayeen mudo kabadan 30 daqiiqo,waxaana gaadiidka dadka saaran laga waayay hal ruux oo ka soo daga gaarigiisa, kadibna libaaxyada laamiga ka ceyriya.

Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaadiidka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Koonfur Afrika ayaa ka soo dagay baabuurkiisa, wuxuuna la soo baxay kaamiro, isagoo sawiro ka qaatay libaaxyada xiray wadooyinka, wuxuuna ka iibsaday sawiradaasi wakaaladaha wararka aduunka ugu caansan, iyadoo ugu dambeyn libaaxyada ay meesha isaga tageen.

Wadada ay libaaxyada xireen ayaa ahayd mida gasha xarunta madaxtooyada dalka Kenya, waxaana Gaadiidki meesha isugu yimid kamid ahaa baabuur ay wataan madaxda dalka kenya, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil, kuwaasoo u socday aqalka madaxtooyada dalkaasi.

Dalka Kenya waxaa ku taala xerada sadexaad ee ugu weyn caalamka, taasoo lagu xanaaneeyo xayawaanada noocyadooda kala duwan, waxaana xayawaanadan ay yihiin kuwa aan ka cabsan dadka, maadaama dhulka ay ku nool yihiin laga ogoleyn in la ugaarsado ama la dilo.

DAAWO SAWIRADA










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved