Warbaahinta Ingiriiska Oo aad U Hadal Heysa Dhacdadii Hooyo Dishay Wiilkeeda Warbixin ++(Vedio)

Wednesday, 9 January 20130 comments




Maxkamad ku taala dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay xukun xabsi daa'in ah ku xukuntey hooyo ku nool dalkaas Ingiriiska oo la sheegay inay si xun oo arxan daro ah ay u dishay oo ay gudha uga jartey wiilkeeda yar oo ay dhashay ka dibna ay dab qabadsiisay wiilkaas yar oo ay gubtey iyadoo oo ka carootey markii uu wiilkaasi xafidi waayey quraanka kariimka.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Sara Ege oo 33 sano jir ah kuna nool magaalada Cardiff, Walles ee dalkaas Boqortooyada Ingiriiska ayaa sanadkii 2010 waxay si xun u garaacday wiil yar oo 7 sano jir ahaa oo ay dhashay oo lagu magacaabi jirey Yaseen Ege ilaa uu ka dhinto ka dibna hooyadaas ayaa meydka wiilkaas iyo qeyb ka mid ah gurigaba dab qabadsiisay si ay u qariso waxa ay geysatey, Hooyadaan ayaa waxaa la sheegay inay ka carootey ka dib markii uu wiilkeeda ka soo bixi waayey oo uu xafidi waayey quraanka kariimka oo uuna korka ka aqrin waayey quraankaas taas oo ay hooyadasna sidii ay wiilkeeda u garaacaysay ay nafta ka qaaday, hooyadaan oo markii hore qarisay inay dishay wiilkeeda islamarkaana loo wada qaatey inuu wiilkaas ku dhintey dab ka kacay guriga ayaa baaritaan lagu sameeyey wiilkaas waxaa uu cadeeyey in dabkaas ka hor uu wiilkaasi yar geeriyooday taas oo keentay in hooyadaas loo qabto arintaas ka dibna ay qiratey inay dishay wiilkeeda ka dib caro weyn ay qaaaday xafidid la'aanta quraanka.

Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaas oo asal ahaan ka soo jeeday dalkaas Pakistan lagu xukumay xabsi daa'in oo u dhiganto inay soo laqi doonto xabsi gaaraayo ilaa iyo 17 sanadood, ayaa hooyadaas waxay eeda waxa dhacay dusha ka saartey aabaha wiilkaas oo lagu magacaabo Yousuf Ege oo ay ku tilmaantay inuu asaga ka musuul yahay maadaama uu cadaadis ku saarey arintaas, laakiin aabaha wiilkaas oo ahaa nin tagsiile ah ayaa arintaas iska fogeeyey islamarkaana sheegay inuusan waligiis arkun xaaskiisa oo dilaysa wiilkooda, qoyskaan oo ka caan ahaa booliiska iyo heyadaha dadka caawiyo oo lagu yaqaanay kuwo dhibaato joogto ah iyo gacan ka hadal uu dhex yaalo mar kasta ayaa dadka qaar waxay la yaabeen sababta wiilkaas yar looga qaadi waayey intey goori goor tahay oo aysan dhici dhibaatada ku timid wiilkaan yar ee nafsadiisa sababta u noqotey.

Daawo Muuqaal Ahaan Hooyada Dishay Wiilkeeda



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved