Abwaanada ahna Fanaanad Hibaaq Maxamed oo Eebe kumanaystay hal abuurka iyo samaynta suugaanta ku salaysan wadaniyada ayaa dhawaan hees ay ku weerarayso Dowlada South Afrika ka qaday xafladii lagu soo dhawaynayay Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan.
Fanaanada Hibaaq ayaa heesta ugu magac dartay South Afrika waxay ku weerartay Dowlada South Afrika iyo shacabkeeda, iyada oo tiri South Afrika ma u malayso miyaa in Soomaaliya ay ku soo laaban karto sidii ay horay u ahayd maxay shacabka soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah wadankooda u dilayaan una dhacayaan.
Ayaa heestaan cusub ku waydiisay shacabka Soomaaliyeed su'aal waxayna ahayd Su'aasha sida tan Soomaaliyey sidee baad u aragtaa South Afrika ?
Su'aashaan ayaa dad badan jawabtayda u fududahay maxaa yeelay waxaan ognahay dadka Soomaaliyeed guud ahaan sida ay u nacabyihiin wadanka south Afrika oo ah wadan inta badan lagu dilo dhalinyarada Soomaaliyeed laguna kufsado Hablaha Soomaaliyeed.
Bal ila Daawada Muuqaalka Heesta South Afrika Iyo Fananada Hibaaq Wadani
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment