Shirkada Nation Link oo Maalintii 3-aad Hawada Ka Maqan Sababtuna Maxay Tahay??

Monday, 14 January 20130 comments





Shirkada Isgaarsiinta Nationlink oo ah shirkada labaad ee sida aadka ah loo isticmaalo marka laga soo Tago Shirkada hormuud oo ah tan koowaad  ayaa maalintii 3aad hawada ka maqan tahay, iyadoo macaamiisha ku xiran shirkadaas ay soo wajahday isgaarsiin la’aan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha ay hawada uga maqan tahay, waxaana wararku sheegayaan in cilad farsamo iyo ballaarin ay hawada ugu maqan tahay.

Laakiin warar kale ayaa iyana sheegaya in khilaaf awgii ay hawada ugu maqan tahay, taasoo la xiriira raga saamiga ku leh Shirkada oo is Qab Qabsi dhanka maamulka uu  dhex Maray.

Inkastoo aanu jirin war si toos ah uga soo baxay Maamulka Shirkada ayaa hadana waxaa labadii maalmood ay dadka ku dhaqan Gobolada dalka ay wax iska weydiinayeen sababaha hawada ugu maqan tahay.

Shirkada Isgaarsiinta Nationlink ayaa ah shirkada labaad ee loogu isticmaal badan yahay, iyadoo horay u jiray dagaal dhinaca Isgaarsiinta ah oo kala dhaxeeyay shirkada Hormuud oo ah shirkada loogu isticmaalka badan yahay.

Labada Shirkadood ayaa dhowr sano ka hor taleefanadooda is wici jiray, hase ahaatee wixii ka dambeeyay 2010 ayaa waxaa meesha ka baxay xiriirkii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana taas ay keentay inay kala xirantaan qadadkooda oo ay is wici waayaan.

Qofka heysta Taleefanka Nationlink ayaa wici karin qofka kale ee isticmaala Hormuud, taasna waxay sababtay in dadka ay sameystaan taleefano labo Kaarle ah, si qofka taleefan kale heysta uu u haleelo.

Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa tan iyo bur burkii dalka ay sii ballaaranayeen, iyadoo Soomaaliya ka howl galaan ilaa afar shirkado isgaarsiin oo ay saami ku leeyihiin dadka Soomaaliyed.

Xigasho: allsomalia.com


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved