Dameer Soomaaliya laga soo Safriyay oo kudhalay Dalka Swizeland.

Monday, 14 January 20130 comments



Khubaro badan oo kamida Aqoonyahanada ku Takhasusay Culuumta Dhinaca Xawayaanka ayaa Hore u sheegay in Dameeraha ku Nool Dhulalka ay Soomaalidu Degto ay Dunida Naadir kuyihiin, sidaas oo ay tahayna waxaa Dhowaan Dalka Swizerland Safriyay Dameer Uur lahayd Taasi oo Maalmo kadib ku dhashay Goobtii Xanaanaynta ay ugu jirtay.



Dameerkaan ilmaha ah ee Dameertu dhashay waa dhedig waxaana loo bixiyey magaca Jana, Dameerta Yari waxay lugaha uga eg tahay dameer farowga oo isagu inta badan Duur kujir ah.

Dameeraha Noocan oo kale ah ee lugaha uga eg dameer farowga ee ku Nool dhamaan Dunida waxay dhan Yihiin inta laga tiriyey ee dunida ku nool ilaa 200- oo dameer, waxayna Taasi Muujinaysaa sida ay ugu Yar yihiin Dunida.

Dameerkaan yar waa dameer aad iyo aad u raxmad badan, sidaasna waxaa yiri dhaqaaleeyaha dameerka, Daawashada dameerkaan dadka u soo daawasho tagaya aad iyo aad ayey u korortay Maalmihii u dambeeyay ayuu Xanaaneeyuhu Yidhi.

Qolada iska le Beerta Xawayaanka ee Dameerkan Yar iyo Hooyadiis kujiraan waxay isku dayeyaan inay dhaqaalo uga helaan ururka midowga yurub, dabadeedna ay badiyaan  dhalmada dameerahaa iyo xanaanadooda.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved