R/wasaare Saacid oo safarkiisii ugu horeeyay Muqdisho uga duulaya (halkuu aadayaa? Aqriso warar hoose oo soo baxaya)

Wednesday 30 January 20130 comments



    


Rasilwasaaraha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu ku sufaro diyaradii ugu horeysay ee uu dusheeda tago tan iyo markii uu xilkaasi qabtay isaga oo lashaaciyay in uu gaarayo gobalada bariga dalka Soomaaliya.

Sida ay baahisay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho oo soo xiganeysa ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska R/wasaaraha Soomaliya ayaa waxa ay sheegtay in uu safarkiisa kutegi doono deegaanada uu kataliyo maamulka Puntland.

Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa waxaa lasheegay in uu Cabdi Raxmaan faroole oo ah hogaanka Puntiland kula kulmi doono gudaha magaalada Garoowe ee arinta gobalka Nugaal isla markaana ah caasimada maamulkaasi.


R/wasaaraha oo socdaalka lafilayo in uu kutago Puntiland ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa waxa lafilayaa in uu sidoo kale tago magalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari kadib marka uu Faroole kula kulmo Garoowe.

R/wasaaraha Soomaliya ayaa tan iyo markii uu qabtay xafiiska awooda badan ee golaha fulinta aan safar hawada ah gelin iyada oo diyaarad uu ku safro ay ugu dabeysay tii keentay garoonka diyaradaha markii uu gulufka ugu jiray qabashada xilkaasi, waxaana safarkii ugu horeeyay ee caasimada u uga boxo ku tegay degmada Afgoye oo Muqdisho u jirta 30 kiilow mitir.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved