Waxaa maanta (Axad) ka furmay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya shirkii 20aad ee ay isugu yimaadaan dalalka ku jira Midowga Afrika, Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Hoggaamiyaasha Africa, Xoghayaha Qaramada Midoobey Ban ki Moon, madax kale oo ka socota dalalka Caalamka ayaa looga hadlaaya xaaladihii u danbeeyey ee dalalka ku jira Midowga Afrika. Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo keliya 27.1-28.1.2013.
Shirka intiisa badan looga hadlayaa xaaladda dalka Mali ee ay ka bilowdeen dagaalo uu hormuud ka yahay dalka Faransiiska oo horey u guumeysan jirey dalkaas, Dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa doonaya in ay shirka hordhigaan dhaqaalihii ay maalgelin lahaayeen ciidanka ay u dirayaan MALI si ay qayb uga noqdaan hawlgalka Qaramada Mdoobey u taageereyso ee AFISMA (African-led International Support Mission to Mali).
Qaddiyadaha kale ee looga hadlaayo shirka waxaa kamid ah xaaladda dalka Soomaaliya. Waxaa shirka ku sugan wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.
Waxaa shirka ka qaybgalaya Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha oo wax ka weydiin doona madaxda Soomaaliya halka ay ka taagan yihiin dhawrsita xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsigigii la sheegay in uu ka dhacay xeryaha barakacayaasha taas oo ay xiran yihiin gabadhii sheegatey in la kusadey iyo weriyihii warka ka qoreyba.
Dalalka Suudaan iyo Koonfurta Sudaan ayaa shirka ka hor ku wada hadley Adis Ababa, waxaana ay doonayaan in ay hirgeliyaan heshiisyadii ay kala saxiixdeen bishii Sebtember 2012.
Shirka ayaa soo hadal qaadi doona dhacdadii dalka Aljeeriya ee goobta Gaaska laga soosaaro ka dhacdey halkaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80 qof kadib markii koox hubeysan ay qafaasheen shaqaalihii goobtaas, waxaana waddamada Midowga Afrika ay doonayaan in ay sameeyaan sidii ay u wadaagi lahaayeen sirdoonka si looga hortago hawlgalada Argagaixisada.
Dalalka Midowga Afrika ku jira waxaa u dhexeeya khilaafyo aad u abadan iyo kal qaybsanaan, inta badan go’aamada shirarkoodu waxay ku tiirsan yihiin sida ay u taageeraan dalalka reer galbeedka iyo hay’adda Qaramada Midoobey.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment