Fanaanaada caanka ah ee Beyonce ayaa ka kor martay dhamaan xiddigaha caalamka, iyadoo ku guuleysatay abaalmarinta gabadha ugu saameynta badan qarniga 21aad, waxa ayna ka heshay abaalmarintaan majalada ‘GQ’, iyadoo lagu siiyay wixii ay qabatay inta ay ku jirtay fanka.
Beyonce weli isma aysan bedlin jir ahaan, waxa ayna ku daanshooneysaa quruxdeedi, iyadoo weliba canug dhashay, sidoo kale fanaanada ayaa lagu tilmaamay iney aad uga qeyb qaadato kaalmada dadka masaakiinta ah, sidoo kale waxa ay gacan libaax leh ka geysatay doorashada madaxweyne Obama oo ay ku bixisay aduun dhan 4-milyan ololihiisi 2012.
Xiddigtaan ayaa sidoo kale nasiib u yeelatay iney ka qaado heesta wadaka xaflada caleema saarka madaxweyne Barack Obama oo maalmmo ka hor dhacay, waxaa kale ay hada ka shaqeyneysaa filin ka hadlaya taariikhda nolosheeda.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment