Hablayahow Maxaad Ka Taqaanan Ragga Shabeel Naagoodka ah Iyo Waxa Yaabaha Ay Ka Xanaaqaan Markii Hee.............. Qormo Xasaasi ah

Thursday 31 January 20130 comments


    


Baaritaan ay sameysay Shabakadaan HMN ayaa waxaa lagu ogaaday in raga sida aadka ah haweenka ula haasaawa, kuna hanka weyn in haween badan ay lasocdaan aysan jecleyn in xilliyada arooskooda ama caruuri u dhalato hanbalyo loo marsiiyo warbaahinta.

Intii ay baaristaani socotay waxa aan lakulanay rag badan oo kamid ah kuwa sida aadka ah ugu janjeera lasocodka dumarka badan, kuwaas oo qaarkood ay dhibaata badan kasoo gaartay hanbalyo iyaga oo aan lasocan warbaahinta loo marsiiyay.

Mid kamid ah ragaasi oo diiday in magaciisa laxigto sababo laxariira in saaxiibada yarka ah ee u haray uusan ku fashilmin ayaa waxa uu sheegay in xilli uu la aqal galay gabar Soomaaliyeed eheladiisa oo kala jooga gudaha iyo dalka iyaga oo aan kala tashan ay tahniyad kal iyo lab ah ay u marsiiyeed idaacadaha heerka caalami ee afka Soomaaliga kuhadla arintaas oo markii labaahiyay ay bilaabatay arin uusan jecleysan.


Shabeel naagoodkaan ayaa waxa uu yiri, “Gabar aan saaxiib aheyn ayaa isoo wacday oo ii sheegtay in ay iga goosatay. Waayaabay, isla daqiiqad gudeheed gabar kale ayaa isoo wacday waxa ayna igu war gelisay in aanan mardanbo taleefankeeda aanan wicin. Aniga oo yaaban halka dhibaatadu iga soo wajahday ayaa xaaskeyga cusub waxa ay ii sheegtay in ay idaacad ka dhageysatay tahniyad iyaga loo diray. Markaa ayaan xaqiiqsada halka leyga asiibay”.



Ninkaan sida aadka ah uga helan lahaasawida haweenka badan ayaa waxa uu sheegay in tahinadaasi loo diray ay isaga dhaawacday hiwaayadiisii maadaama uu doonaya in uu qariyo arooskiisa sababalo laxariira haweenka oo aan jecleyn ragga xaasaka leh, waxa uuna kutaliyay in marka dadka ehelka ahi ay tahniyad dirayaan ay latashadaan dadka tahniyada doonaya.

Taas waxaa arin kayaab badan isna u sheegay HMN nin magaciisa kusoo gaabiyay Oday Hebel oo daaha karogay in tahniyad loo marsiiyay warbaahinta xilli gabari u dhalatay uu kala kulmay dhibaata aad u badan.

Oday Hebel ayaa yiri, “Telfoonka ayaa waxaa iga soo wacday gabar aan saaxiib la’ahaa waqti dheer waxa ayna war iiga bilaawday gabadhaada maxaad iigu sami weysay? Waa naxay. Yaakusheegay ayaan isweydiiday? Taleefanka wuu iska soo daba dhacayay oo mar waliba saaxiib qaali ah aan ku weynayay iyada oo markii ugu danbeysay gabari ay iisheegay in ay warbaahinta  ka maqashay gabadha ley dhalay qiyaanadii aan kuhayayna ilaah uu banaaka soodhigay”.

Waligii Oday Hebelkan  in uu xaas leeyahay uma sheegin gabar ay isbarteen iskaba daa in uu koox caruura lahaa.

Isku soo duuduub, Shabeel Naagood waxa uu ku dhibanyahay tahniyada loo dirayo, hasa yeeshee waxaa iyana aan dhaafeyn tahniyad dirow ehelada lamaanayaasha isguursada ama caruurta loo dhalo si ay ubogaadiyaan, iyada oo ay xusid mudantahay in hadii elehlka wiilka laga dhaadhiciyo in ay joojiyaan ay adagtahay qaabka loola macaamilayo ehelada gabadha oo aan loo sheegi Karin in gabadhooda laqarinayo oo wiilka qaba uu kaarku kagubanayo hadii labaahiyo arooska ama dhalashada.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved