Dowlada Wadanka Ruushka oo Soomaaliya lacago Fara Badan ugu deeqay. tolow meeqee dhantahay?

Thursday 31 January 20130 comments




Sida uu warkaan uu baahiyay Raadiyaha ka soo baxa dalka Ruushka Dowlada Ruushka ayaa si cad ah u sheegtay inay taageersan tahay dadaalada nabadeeda ee ka socda Soomaaliya islamarkaana dhankeeda qeybteeda kaga aadan dib u soo celinta xasilinta iyo nabada Soomaaliya qeyb weyn ka qaadaneyso,iyagoona sheegay inay lacag malaayiin Dollar gaaraya ay ku deeqeen Soomaaliya si ay u sii socdaan howlgalada looga soo horjeeda Al-shabaab ee ka Socda Soomaaliya.

Ergayga gaarka Ruuska u qaabilsan Africa Mikhail Margelov ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhaxeyso Ururka Midowga Africa kana warqabaan howlgalada ay ciidmadooda ay ka wadaan Soomaaliya iyo wadamo kale oo Africa ka tirsan,isagoona sheegay in wadanka Ruushka door weyn uu ku leeyahay dadaalada lagu doonayo in soomaaliya dib u hanato qaranimadeeda dagaalkalagula jiro Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Mr Margelov in dowlada Ruushka ay Soomaaliya ku deeqday lacag gaareysa $1 million oo loogu talagalay in dib loogu dhiso Soomaaliya horayna loogu sii wad howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Qaarada Africa ay ku sii kordhayaan ururada xariirka la leh Al-Qaa’ida,isagoona hoosta ka xariiqay in arintaasi sidii looga hortagi lahaa Ruushka gacan weyn uu ka geysanay




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved