Haweeney magaceeda lagu sheegay Amran ayaa lagu guursaday lacago deen ah oo lagu yeeshay sida ay sheegeen dad goob joog u ahaa dhacadadan.
Arrintan oo ka dhacday Xaafada Buula Xuubey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa timid kadib markii Haweeneydaasi oo ahayd Garoob hal Canug horay Ninkeeda uga dhintay ayaa dukaan ay ka adeegan jirtay looga yeeshay lacag aad u fara badan oo
gaaraya ilaa 123$ (Boqol labaatan iyo Saddex Doollar Mareykanka), laakiin Ninka dukaanka oo si hoose u doon doonayay una danaynayay haweeneydaasi ka dalabaday in ay lacagta deenta ah deg deg ku bixiso si xisaabta Dukaanka loo xiro.
Haweeneyda ayaa la sheegay in ay awoodi waysay bixinta lacagtaasi waxqtiga loo cayimay, laakiin taasi badalkeeda waxay ka aqbashay dal ka yimid Milkiilaha dukaanka oo ugu baaqay in ay ogolaato Guur uu la galo.
Si kastaba dhacdan ayaa noqotay mid hadal heynteedu ay ku soo badatay Xaafada BuulaXuubey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waana markii ugu horaysay oo haweeney lagu guursado lacag deen ah oo lagu yeeshay.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment