Dadka ku nool Waqooyi Bari dalka Koofur Afrika ayaa looga digay inay dibada u soo baxaan kadib markii 15,000 yaxaasyo ah ay baxsadeen meel lagu xanaaneynayay.
Yaxaasyada ayaa waxa ay ka baxsadeen beer lagu xanaaneeyo oo lagu magacaabo Rakwena Crocodile Farm Axadii kadib markii roob xoog leh uu ka da’ay halkaas sababayna in wabiga Limpopo biyihiisa ay sare u kacaan,
Albaabada ay ku xirnaayeen yaxaasyada ayaa la furay si biyaha roobka loogaga saaro halka ay ku xareysnaayeen yaxaasyada hase yeeshee yaxaasyadii ayaa ka baxsaday goobtaas oo dibada ugaga baxay halka ay ku xareysnaayeen.
Mid ka mid ah yaxaasyada ayaa lgu dhex arkay barxadda iskuul ay carruur wax ku bartaan.
Rakwena's Zane Langman ayaa u sheegay wargeyska Beeld ee dalka Koofur Afrika inay ku guuleysteen in ay dib u soo qabtaan boqolaal ka mid ah yaxaasyada baxsaday, hase yeeshee waxa uu sheegay in kala bar yaxaasyadii baxsaday ay weli maqan yihiin.
Mr Langman ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ay tahay xilli u sahlan in yaxaasyada la soo qabto maadaama indhaha yaxaaska haddii toosh lagu iftiimiyo ay guduud ama casaan yihiin.
Yaxaasyadan baxsaday ayaa ah nooca Nile Crocodile waana qaar hilibka cuna isla markaana illaa shan mitir uu gaarayo dhererkooda ayna socon karaan siddeed mile saacadii halka ay ka dabaalan karaan 22 mile saacadiiba.
Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ka jira beero ay ku xareysan yihiin kumanaan yaxaasyo ah oo loo dhaqaaleeyo in la iibiyo haragooda maadaama laga helo lacag badan, waxaan haraga yaxaasyada laga sameeyaa suumanka, kabaha iyo boorsooyinka.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment