Xarun Lagu Daryeelo Dadka Khaatka Cunna Oo Laga Furay Wadanka Sweden

Sunday 9 December 20120 comments



Wadanka Sweden ayaa markii ugu horaysay sameeyay xarun lagu daryeelo dadka khaatka cunna.

Xarunta ayaa laga furay deegaanka Kista ee Waqoogiga Stockholm.

Gun Adnell oo ah madaxa daaweynta la qabsiga waxyaabaha daroogada ah ee Waqooyiga Stockholm ayaa sheegay in dadka ugu badan khaadka ku cunna Sweden ay yihiin Soomaalida isla markaana uu dalka Soomaaliya wax caadi ah ka yahay khaadka.
 
Bishii June ee sanadkan, booliska Sweden ayaa ku xiray soohdinta ay la leeyihiin Norway nin 41 jir ah oo rabay inuu si tuuganimo ah 340 kilo gram oo khaat ah Sweden ku galiyo.

Laanta caafimaadka ee Sweden ayaa sheegtay in khaatka uu dhaliyo cuduro nafsi ah isla markaana uu yahay daroogo.

Sidoo kale khaadka ayaa saameyn weyn ku yeesha bulshada dheexdeeda isaga oo sababo inay isku dhacaana lamaanaha isqaba ee midkood uu qayilo.

fadlan ka dhiibo comments adoon caay iyo aflagaado aan adeegsanayn.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved