Ururka Badbaadada & hor ukaca Soomaaliya oo baraarujin u sameeyey derbi jiifyo+(Sawiro)

Thursday 20 December 20120 comments


Ururka Badbaadada & hor ukaca Soomaaliya oo kamid ah ururada u istaagay hanaanka horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu baraarujin u sameeyay derbi jiif fara badan oo ku dayacan qeybo kamid ah gobalka Banaadir ee caasimda dalka Soomaaliya.

Ururkaan oo lagu aasaasay sanadkii 2008-dii dalka Suudaan waxaa xubna ka ah dhalinyara Soomaaliyeed oo isku howlay in dalku uu hiigsado horumar xag waliba leh waxaana gudoomiyaha Ururka Badbaadada & hor ukaca Soomaaliya, Ibraahim Yoonis Shekh Ibraahim, oo baraarujinta ururku sameyay maanta hor kacayay waxa uu sheegay in hadafkooda ugu horeeya uu yahay in dalka laga waayo derbi jiif oo dadkaan laxanaaneeyo marka labaadna qashanka laga aruuriyo caasimadda.

Baraarujintaani ayaa waxa ay ka dhacday Qeybta Hoose ee Buundada weyn ee u dhexeya Km4 iyo Dugsiga farsaada gacanta ee Poly Tikniko ee degmada Waberi ee gobalka Banaadir.

Intii uu socday baraarugaan loo sameynayay derbi jiifyada ayaa qaar kamid ah qolyihi loo sameeyay oo isugu jiray dad da’ ah, caruur iyo dhalin yaro ayaa dhamaan waxa ay qireen in waxa isugu keenay meesha qashanku dhoobanyahay ay aheyd xanaano la’aan iyo waliba shaqo la’aan hadii ay helaan dad wax u qabatana ay soo dhaweynayaan.



Gudoomiyaha Ururka Badbaadada & hor ukaca Soomaaliya, Ibraahim Yoonis Shekh Ibraahim ayaa waxa uu kahadlay munaasabadda ay ugu tala galeen in ay ku bararujiyaan derbi jiifyada isaga oo marka hore bogaadiyay munaasabadda 69 guurada aasaaska ciidanka police-ka Soomalaiyeed, marka labaadna ku dheeraaday qaabka horumarka lagu gaari karo oo ay kow ka tahay in laxanaaneeyo dhalinta Soomalaiyeed ee derbiyada ku dhibaateysan qashinkana laga qaado magaalada isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay halka ay ka saameynayeen wacyi gelinta oo ah wada halbowla ah oo katimaada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soona gasha magaalada oo uu ku tilmaamay in ay dhib ku tahay dadyowga kasoo degaya garoonka.

Waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen walalahooda darbiyada ku dhibaateysan si dalku uu uga boxo dhibaatada looguna gudbo in cid waliba oo Soomaali ah ay ka madx banaanaato dhibaato iyo gaajo.














______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved