Madaxweynaha Somalia oo Maanta la kulmay Wasiir kasocday Mid kamid ah Dowladaha Yurub+(Daawo Sawirada)

Thursday 20 December 20120 comments


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta Villa Soomaaliya kula kulmay Wasiirka Horumarinta ee Dowladda Norway Mudane Heikki Holmas. Kulankaas ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Safiirka Norway ee Soomaaliya iyo saraakil sar sare ee ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay in labaatankii sanno ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya lacag aad u fara badan lagu qarash gareeyay, laakin nasiib darro aan la arag horumar badan oo la taaban karo, sida iskuulo ama isbitaalo ay dowladda maamusho oo looga faa’ideeyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa u sheegay mar uu la hadlay wafdiga ka socday Norway “Soomaaliya waa dal kheyraad badan leh, loona baahan yahay oo kaliya in amniga la sugo si ay shacbka uga faa’ideystaan kheyraadkaas, arinkaas waan ku gudo jirnaa madaamo uu kow ka yahay lixda Tiir Siyaasadeed ee dowladda” ( Six Pillar Policy Plan ).




Ugu danbeyntii ayaa waxaa uu Madaxweynaha sheegay in hay’adaha Caalamiga ah looga fadhiyo in ay la shaqeeyaan Wasaaradda ay isku shaqada yihiin, si ay dowladda horumar u gaarsiiso shacabka meel walbo ay joogaan. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia, Mogadishu


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved