Soomaalida Ku nool Sambia oo bililiqo, jir dil, dil, xir xirid iyo waliba hanjabaad leesugu daray.

Monday 17 December 20120 comments



Soomaalida kunool dalka Zambia oo kamid ah dalalka qaaradaan Afrika ayaa xilligaan waxaa soo wajahay dhibaata iyo wal wal tii ugu darneed oo ay taariikhda la kulmaan.


Dhibaatadaan soo wajahday ayaa waxa ay bilaabatay kadib markii nin kamid ah Soomaalida ku nool dalkaasi uu khaarijiyay nin u dhashay dalkaasi, iyada oo xilligaa wixii ka danbeeyay Soomaalida ay weerar dhan kasta ah kala kulmeen mawaadiniinta Zambia oo kacareysan in Soomaali dalkooda megengalyo iyo qaxootinimo ku jooga ay dilaan shaqsi u dhashay dalkooda.


Soomaalida ayaa waxaa lagu weeraray guryahooda, goobahooda ganacsiga wadoyinka iyo gadiidka dad weynaha iyada oo kadib weerarka safmarka ahna police-ka dalkaasi uu xir xiray Soomaalidii la weeraray oo qaarkood dhawacya qaba


Mid kamid ah dadkii lagu dhaawacay, xoolihiisana lagu dhacay, kadibna xabsiga la dhigay ayaa BBC-da uga wararmay dhibatada Soomalaida lagu hayo isaga oo hoosta ka xariiqay in dhibatadaan oo kale waligoodba ay qabeen.

Dhibanaha Soomaaliga ah ayaa waxa uu sheegay in dadka zamian-ka ah ay gacantooda ku dileen sideed qof oo Soomalai ah ku waas oo marka laga reebo hal gacan kugiile oo latoogtay cid wax ka qabatay asyan jirin

Si kastaba Soomaalida ayaa waayahaan waxa ay jaha warer kala kulantay dalalka Afrika dhaca ee ay ku noolyihiin, waxaana dalalka ugu daran kamid ah Koofur Afrika Kenya iyo Zambia.






______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved