Shil Gaari oo magaalada Muqdisho ka dhacay oo sababay qasaare Nafeed kadib markii laba gaari si lalayaabo ay isugu dhecen.

Friday 28 December 20120 comments



Laba ruux ayaa dhimatay laba kalana waa dhaawacmeen kadib markii gaari nuuca kaaribta loo yaqaan ah uu hoosta kagalay gaari nuuca dhagaca iyo carada qaada ah oo marayay qeybo kamid ah caasimada Soomaaliya.

Gaariga Kaaribta ah ayaa waxa uu isaga oo xowli u socda hoosta ka galay Gaari Janta Diyeeshe ah oo isana si xowli ah ku marayay Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee waqooyi Bari Caasimada, halkaasi oo ay kadhasheen qasaaraha shilka.

Labada Ruux ee geeriyootay waxaa lashegay in aay kamid aheyd haweeney ka dukaameysanaysay wadada dhinaceeda sida ay xaqiijiyeen dadkii goob joogga u ahaa shilka halista ah.


Shilka markii uu dhacay kadib waxaa lasheegay in dadkii ku dhawaa goobta ay musiibadu ka dhacday ay ku xoomeen goobta oo ay ugu danbeyn kala qaadeen labada gaari oo ayna kasoo bixiyeen dhibanayaashii waxyeeladu kasoo gaartay.

waxaa lasheegay in dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Keysdsaney oo kamid ah Isbitaalada kahowl gala gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved