Jaamacad cusub oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho++(Sawiro)

Friday 28 December 20120 comments



Jaamacad cusub oo ku soo biirtay jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ayaa shalay la hirgeliyay, iyadoo munaasabad xariga looga jarayay ay ka qeyb galeen Aqoonyahano, macalimiin, Arday iyo qeybaha bulshada.

Jaamacadan ayaa loogu magac daray Jaamacada Imaam University ayaa waxaa xafladii furitaanka ay hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta waxbarashada iyo macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha iyo iskuulada ku yaala Muqdisho.

C/kariim Maxamed oo ku hadlayay magaca macalimiinta jaamacada Imaan University ayaa  sheegay in muhiimada ay u aas aaseen Jaamacadan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shacabka Soomaaliyeed si ay uga maarmaan waxbarasho dalka dibadiisa ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda cusub ee Imaam Dr Xasan oo hadal ka jeediyay gaba gabadii xafladii lagu furayay jaamacadda ayaa uga mahadceliyay dadkii ka qeyb galay furitaanka Jaamacadda isagoo ku booriyay waalidiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan waxbarashada dhalinyarada.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhayay jaamacado cusub oo laga hirgalinayo iyadoo arintan ay muujineyso nabada iyo xasiloonida ka jirto caasimada dalka ee Muqdisho.
Daawo Sawirada














______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved