Shiinaha oo shuruudo kuxiray Isticmaalka Internetka ee gudaha dalkooda.(Aqri dulucda Shuruudaha)

Friday 28 December 20120 comments



Dalka Shiinaha maamulayaashiisa cusub ayaa waxa ay soo saareen qodobo ay doonayaan in ay isaga hakiyaan fadeexadaha gudahooda ah ee dibadda loo bandhigayo kuwaa oo gudbintooda ay sahasho barta intarnetka, waxa ayna si ay hadafkooda ugu guuleestaan isku dayayaan in ay isticmaalka Internetka ay iyagu jaan gooyaan.

Qodobada lasoo saaray waxaa ugu weyn in ruuxa doonaya isticmaalka Ineternetka uu marka hore is diiwaan geliyo oo magaciisa iyo dhamaan lahelo aqoonsiyadiisa guud si loola socdo dhaq dhaaqiisa xagga internetka ah arintaas oo durbadiiba laga qeyliyay laguna sheegay caburin xagga xoriyatul qowlka ah.

Tilaabadaan Shiinhu qaadayaan ayaa waxa ay timid kadib markii ay isi soo tareen fadeexadaha laga baahinayo Xukuumada Beygiin ee lagu faafinayo shabakadaha Online-ka.



Kadib markii ay baaheen Shabakada onlin-ka oo ay ku jiraan bogagga bulshadu ay ku kulanto ayaa dunida waxaa ku batay waxyaabaha qarsoonaa ee dowlada qaar ay shucuubtooda ku hayen oo daaha laga rogayo, waxaana laxasuustaa kacdoonadii carabta ka dhacay ee qaarkood guuleesteen sida ay uga qeyb qaaten boagga bulshadu ay ku kulanto.

Dadaalkaan Shiinuhu uu ku doonayo in uu kuxakameeyo isticmaalka Internet-ka ayaa imaanaya iyada oo Xi Jinping uu yahay hogaamiyaha xisbiga Shuuciga ah muda bil ah kadib markii hogaankii hore ay talada ku warejiyeen.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved