R/wasaare hore oo dunida caan ka ah oo ogolaaday in uu sanadkiiba siiyo $48 milyan oo doolar xaas uu furay.

Friday 28 December 20120 comments



Veronica Lario oo ah xaaskii hore ee Silvio Berlusconi, R/wasaarihii hore ee Talyaaniga ayaa sanadkiiba waxa ay ka qaadan doontaa seygeedii hore $48 milyan.


Berlusconi ayaa waxa uu bixin doonaa lacagtaan oo banaanka ka ah $100-milyan oo lagu heshiiyay in uu bixiyo xilligii ay isfurayeen.

Veronica Lario ayaa waxa ay u dhashay Berlusconi sedax caruur ah iyaga oo markii ugu horeysay is bartay 1980-kii guurkooduna uu dhacay 1990-kii.

Wargeyska layiraahdo Corriere della Sera ayaa waxa uu tebiyay in Ms Lario, 56-sano jir ah, markii hore ay dalbatay in sanadkiiba lasiiyo $56-milyan hasa yeeshee dood dheer kadib uu ogolaaday R/wasaaarihii hore ee Talyaaniga in uu bixinayo $48-milyan.


Berlusconi oo ah ninkii ugu xukunka dheeraa Talyaaniga aduunyada casriga ah ayaa waxa uu leeyahay laba caruur ah oo kale oo ay dhashay xaaskiisii ugu horeysay waxa uuna hada lakulantay gabadha 28-jirka ah ee Francesca Pascale, waxaana da'diisu mareysaa 76-sano.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved