Shanta Lamaane ee Dunida ugu Labis Qaadashada Fiican oo La Soo bandhigay Yaase Ku Jiro oo Caan ah(Sawirro)

Sunday 23 December 20120 comments



Adduunka wax walba waa la qiimeeya, waxaana waqtigan la qiimeeyey lamaanaha adduunka ugu labis qaadashada fiican ee markay dharka xidhan yihiin soo jiita indhaha dadka, dadkana waxay isugu jiraan madaxweynayaal, fanaaniin, ciyaaryahanno, ganacsato, jilayaal iyo siyaasiyiin adduunka laga yaqaano.

Madaxweyne Barack iyo Michelle Obama


Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama iyo xaaskisa Michelle waxay noqdeen dadka adduna ugu labis qaadashada fiican, kuwaasoo xilliyada ay wada socdaan ee warbaahintu soo tabiso wararkooda ay madax badan aad ugu mashquusho dharkooda iyo habkay u labisan yihiin, taasina waxay u fududaysay inay ka mid noqdaan shanta lamaane ee adduunka ugu labis qaadashada fiican.

Ciyaaryahanka David Beckham iyo ooridiisa Victoria


Xaaska Bekham ee Victoria waxa lagu sheega inay ka mid tahay haweenka adduunka ugu labis qaadashada quruxda badan, waxaana arrintan u saamaxday iyadoo ka shaqaysa shirkadaha dharka xayeysiiya, iyadoo marka laga hadlaayo arrimaha dharkeeda la sheego inay aad ugu qurux badan tahay markay raacdo saygeeda adduunka caanka ka ah, halka David Beckham lagu qeexo inuu yahay ciyaaryahan aad u labis qurux badan, dadka shaashadaha ka daawada waqtiyada uu dharkiisa xaraga xidhan yihiina aad uga helaan habka uu u labisto amma diyars qaadashadiisa.

Kim Kardashian iyo Kanye West


Lamaanahan waxa qaar dharka ay xidhan yihiin soo jiitaan dadka, waana lamaane aad looga daawado shaashahada telefiishannada qoob ka ciyaarkooda, kuwaasoo lagu yaqaan inay u labistaan labisyada casriga ah ee adduunka waqtigan ka socda, sidoo kalena dharkoodu aad u bilic fiican yihiin, waxaanay ka mid noqdeen shanta lamaane ee adduunka ugu labis qaadashada fiican.

Fanaanka Jay-Z iyo xaaskiisa fannaanada ah ee Beyonce

Waa lamaane aad caan ugu ah heesaha Maraykanka ah, kuwaasoo is guursaday sannadkii 2008, waxaana lagu daabacay warbaahinta caalamiga ah, kadib markii sannadkan gudihiisa ay isu dhaleen ilmihii ugu horreyey, dhinaca kalena ka mid noqdeen shanta qof ee adduunka ugu labiska quruxda badan, waxaana la sheega inay aad ugu mashquulaan labis qaadashada iyo inay helaan dhar soo jiita taageerayaashooda caalamka daafihiisa ku kala nool.

Kate Moss iyo saygeeda Jamie Hince

Kate Moss oo aad loogu yaqaan hab labiska iyo xayeysiinta dharka ayaa waxa soo raacay saygeeda Jamie Hince, kuwaasoo markay wada socdaan indhaha goobahay joogaan iyo shaashadahay ka muuqdaan dadka ag jooga soo jiito hab labiskoodu, taasina u saamaxday inay ka mid noqdaan lamaanaha ugu labis qaadashada fiican.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved