Robert Pattinson Oo Ugu Hanjabay Saaxibtii Kristen In Nadaafad Xumo Darteed Uu Uga Tagi Doono(Hablayahow Waa Iga Dardaaran)

Sunday 23 December 20120 comments



Atariishada caanka ah ee Kristen Stewart oo lagu tiriyo inay kamid tahay hablaha ugu qurxoon xiligaan ayaa lagu sheegay inay tahay qof dhanka nadaafada ka liidata, waxaana aad u yar sida la sheegay inay qabeysato, iyadoo Actorka saaxibada ay yihiin ee Robert Pattinson uu ka dhawaajiyay inuu xiriirka u jari doono hadii aysan nadaafadeeda gaarkaa wax kabadalin.

Warkaan waxaa lagu qoray jariidada 'Klozir' ee France, waxayna tilmaantay inay kasoo xigatay mid kamida saaxibada ku dhow Pattinson laakiin magiciisa maysan sheegin.


Jariidada ayaa intaas sii raacisa y in Kristen Stewart oo ah atariishada filinka 'Twilight' ay wax badan ka gaabisay nadaafadeeda, waxaana aad u yar inay Timaha mayrato halka Ilkaha subax ka subax ay caday ku jiido.

Robert Pattinson ayaa tilmaamay in laga yaabo in tani sabab u noqoto in xiriirka uu u jaro gabadhaan, hadii aysan waxba ka badalin nolosheeda, isagoo yiri waxa ugu muhiimsan ee gabadha ku waajiba waa inay nadaafad leedahay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved