Rafael Benitez: Chelsea Hadii Ay Dooneyso Pep Guardiola Aniga Albaabka Ayaan Ka Bixi Doonaa .

Friday 14 December 20120 comments



Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Rafa Benitez ayaa ku faraxsan inuu shaqada ku wareejiyo Pep Guardiola, laakiin waa kaliya hadii uu koobab la qaado Chelsea marka hore.

Tababarihii hore ee Liverpool ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay Stamford Bridge ka dib markii la ceyriyay Roberto Di Mattea, laakiin tababaraha reer Spain ayaa cadaadis kala kulmaya taageerayaasha Blues kuwaasoo dareensan in si xun loola dhaqmay Di Matteo.

Isagoo u hadlayay BBCSport ka hor kulanka axada finalka Club World Cup, Benitez ayaa yiri: “Guardiola waxa uu heystaa rikoor fantastik ah. Hadii uu yimaado, islamarkaana aan koobab badan ku guuleysanay, waan ku faraxsanaan lahaa inaan shaqada ku wareejiyo.”

Guardiola oo afar sanno macalin u ahaa Barcelona ayaa iska casilay shaqadaas xilli ciyaareedkii hore, isagoo haatan nasasho ku jira kuna nool New York.



Inkastoo Benitez uu ka warqabo inay u badan tahay in xagaaga la bedeli doono, hadana waxa uu doonayaa inuu guulo gaaro inta ka dhiman xilli ciyaareedka islamarkaana soo jiito taageerayaasha kooxda.

Benitez oo hore Club World Cup la soo qaaday Liverpool iyo Inter Milan ayaa yiri:

“Markii aan go’aansaday inaan halkaan imaado, waan ogaa inaan saxiixayo qandaraas lix ama todoba bilood ah, sidaasi darteed kama fekereynin wax ka badan 7daas bilood.

“Ka dib markaan horumariyo kooxda iyo qaabka aan u ciyaaro, waxaan qabaa in taageerayaal badan ay dhihi doonaan: ‘Malaha si xun ayaan u la dhaqanay, waa inaan fursad u siinaa inuu kalsoonida ku soo celiyo kooxda.’”


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved