Puntland oo Ku Aasayo Boosaaso Askarti xalay laga laayay Buuraha Gobolka Bari

Wednesday 5 December 20120 comments


War hada naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hada la aasayo 12 Askari oo xalay ku dhintay Weerar ay ku soo qaadeen Dagaalyahanada ku sugan Buuraha Gobolka Bari.

Qabuuraha Biyo Kulule oo ku yaala Boosaaso ayaa lagu aasayaa 12 askari, waxaana ciidamadan ay ku geeriyoodeen weerar xalay lagu soo qaaday Saldhig ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah, sidoo kale ciidamada qaar ay ku geeriyooday Miino dhulka loogu aasay, taasoo qabsatay Baabuur ay saarnaayeen Ciidamada Puntland Somalia.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland , madax ka socota Maamulka Gobolka Bari , Dadka magaalada ayaa ka qeyb galay aaska loo sameynayo Askartan xalay lagu xasuuqay Dhulka Buuraleyda ah.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Saraakaiisha Puntland ay diideen in la soo qaado Meydad dhowr ah, kuwaasoo ka tirsanaa Dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday Ciidamada Maamulkaasi.

Ma aha marki ugu horeysya oo khasaaro intaan la eh la gaarsiiyo ciidamada Puntland, waxaana khasaarihii xalay uu noqonayaa mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee soo maray ciidamada Puntland ee ku sugan Dhulka Buuraleyda ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved