Naag Ninkeedii Maxkamad La tiigsatay Kadib Markii Hee ...Aqris Wacan.

Wednesday 19 December 20120 comments



Haweenye lagu magacaabo Miriam Pafiwa ayaa waxa ay dacwad ka geysay maxkamad seygeeda oo aan wax shaqo ah heyn hasa yeehsee alaamiiteysiiya caruurta iskuulaadka.

Ninka ay maxkamada lafuushay oo lagu magacabo Rwamozora ayeey dooneysaa in shruuc maxkamada kasoo saarto maadaama mar kasta oo uu aalamiitada ka yimaado kula qeyliyo in ay raashin siiso isaguna in uu soo shaqeeyo uusan ogoleyn.

“Caruurta ayuu dilaa hadii uu wax uu cuna uu waayo marka uu aalamiitada kasoo laabto, mana doonayo in uu shaqeesto, qoysku waxa ay ku tiirsanyihiin waxa yarka ah ee aniga Mushaarka aan u helo”, Miriam Pafiwa ayaa ku dacwootay.

“Hadii uu shaqeysan lahaa caruurteyda madiliieen ee wax uu cuno waxa uu ka iibsan lahaa suuqyada”, ayeey raacisay hadalkeeda.

Pafiwa ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeysay Rwamozora in uu iibsado alaabaha guriga hadii ay wax ka weydiisana uusan uga jawaabeyn.

Rwamozora ayaa isna ku andacooday in labadooda aysan guriga iskala shaqa tegi karin sidaa darteenda isagu caruurta ilaaliyo marka ay shaqo tagto.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved