Mid ka mid ah Xiddigaha Muslimiinta ah ee Dunida ugu caansan oo lagu eedeeyay in uu kala sooco Ciyaartooyda Warbixin Tarjuman++(Video)

Saturday, 29 December 20120 comments



Xiddiga Qaranka Germany iyo kooxda Los Blancos Real Madrid Mesut Mustafa Özil ayaa waxaa si aan qarsooneeyn loogu eedeeyay in uu yahay Xiddig cunsuri ah oo dhanka Diinta jecel kaliyah Laacibiinta ay isku Diinta yihiin .

Halkaan ka Daawo Xaqiiqada Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil oo la fara Ciyaaro kaliyah Xiddigaha Muslimiinta ah

18-kii Bishii Apriil sanadkaan aanu ku jirno ee 2012-ka Jaraaidka Bild Sport oo gudaha dalka Germany aad looga jecel yahay waxa uu qoray Maqaal uu ku fadeexeeyay Laacib Mesut Özil kaas oo ku sheegay Xiddig kala sooca Ciyaartooyda waliba Saaxiib ka dhigta kaliyah kuwa ay isku Diinta yihiin (Muslim) !! Hadaladii Jaraaidka Bild waxaa ka mid ahaa kuwaan :

" Mesut Özil wuxuu la tababartaa oo la cunteeyaa kaliyah Ciyaartooyda Muslimka ah wuxuuna meel kasta u raacaa kaliyah Ciyaartooyda Islaamka ah balse Laacibiinta kale Salaanta oo kaliyah iyo kulanka Garoonka ayaa kala dhaxeeyo "

Xiligii ay kooxda Real Madrid la joogeen Hamit Altintop oo hada dhanka kooxda Galatasaray aaday iyo Ciyaaryahan Nuri Kazim Sahin oo dhanka Fc Liverpool u wareegay waxaa la xaqiijiyay in uu Mesut Özil Saaxiib la ahaa kaliyah Laacibiinta kala ah Karim Benzema, Sami Khedira, Hamit Altintop iyo Nuri Kazim Sahin.

Sheekada Mesut Özil weey iska cadahay balse waxaa ka yaab badan Saxaafada daba dhigatay xiddigaan ee ku tilmaamtay Laacib kala sooco Ciyaartooyda saaxiibadiis ah waliba la fara ciyaara kaliyah xiddigaha Muslimiinta ah. Arinta ugu yaabka badan ee Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil lagu heeysto waxa ay tahay Xiddigaan oo la aalamiiteeyo lana fadhiisto kaliyah Laacibiinta Muslimiinta ah ee kooxda Real Madrid waa Weeraryahan Karim Benzema iyo ma daalaha Qadka dhexe Sami Khedira oo u safta Qaranka Germany balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia.

Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil xitaa dhanka Qaranka Germany waxaa lagu eedeeyay in uu raaco Saaxiibna ka dhigtay kaliyah Laacibiinta Muslimiinta ah. Ciyaaryahan Mesut Özil oo sida loo hadlo aad u yaqaan mar Tv-ga ZDF uu wax ka weeydiiyay Cunsuriyadaan dhanka Diinta ah ee uu qarsan waayay waxa uu ku jawaabay sidatan "

" Hadaan la fadhiisto ama la Qadeeyo Ciyaartooy ila mid ah oo aan hilibka Qaansiirka cunin taas macnaheeda ma ahan inaan Ciyaartooyda kala jeclahay ee dhaqanka iyo is fahamka ayaa sidaas ah " (Yaab) .
Yaabkaan Nala Daawo



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved