Mareykanka oo Soomaaliya usoo diraya Saraakiil ciidan

Monday 24 December 20120 comments



Gen. Carter Ham oo ah Sarkaal Militariga Mareykanka u qaabilsan Africa islamarkaana ay soo xiganeysay wakaalada wararka AP ayaa sheegay Saraakiil Mareykanka ka socoto horaanta sanadka soo socda ay u soo dirayaan wadamada Geeska Africa ku yaal si markaasi ay u kordhiyaan una dhiiragiliyaan la dagaalanka kooxda Al-Qaa’ida oo wadamo badan oo Africa ka tirsan ka jira sida Soomaaliya iyo wadamo kale.

Warbixintaan oo ay qortay wakaalada wararka Associated Press ayaa waxa ay ku sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo in koox saraakiil ah u soo dirayo wadamo badan oo Africa ka mid ah oo Soomaaliya ay ku jirto si markaasi tababar iyo dib u qalabeyn ay ugu sameeyeen ciidamo la dagaalama Al-Qaa’ida ka jirta wadamada Africa.

Saraakiisha waxa ay kaliya ay qabanayaan waxa ay tahay tababarida iyo qalabeynta dadaalada lagu doonayo in ciidamada lagu dhiiragiliyo inay la dagaalamaan Al-Qaa’ida Soomaaliya ka jira gaar ahaan Al-Shabaab oo dowlada Soomaaliya ku kacsan,mana u fasixi doono inay fuliyaan howlgalo amar la’aan,sidaasi waxa cadeeyay Gen. Carter Ham.

Sidoo kale Gen. Carter Ham Madaxa Mareykanka u qaabilsan dhanka Malitariga Africa ayaa cadeeyay in saraakiisha ay Africa ay u soo dirayaan ay wehliyaan diyaaradaha yar yar oo aan cidi kaxeynin ee Remuut Controlka laga kaxeeyo kuwaasi oo awood u leh inay fuliyaan howlgalada culculus sida marka dadka ay doonayaan buu yiri ay galaan dhulka howdadka ah.

Dhanka kale dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay taageero malitari ay siineyso dowladaha Kenya iyo Uganda si markaasi ay u suurta gasho in dowladahaasi ay kordhiyaan la dagaalanka Ururka al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Gen. Carter Ham ayaa sheegay in caawinta dowladaasi ay sahli doonto in labada dowladood ay dar dar gilyaan sidii dowlada soomaaliya ay kaga caawin lahaayeen dib u soo celinta nabada iyo kala danbeynta ka jirtay soomaaliya.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved