Gabar Gacmaha Ka Go’an Suulashana wax ku Qorta oo ku Guuleesatay Imtixaan+(Sawiro)

Monday 24 December 20120 comments



Dulanjalie Ariyatillake oo ah gabar 15 sano jir ah oo ku dhalatey cuuryaanimo lugaha iyo gacmo  la’aan ayaa soo jiidatey warbaahinta dunida ka dib markii ay si xarago leh ugu guuleystey Imtixaankii fasalka 10-aad  ee (Government Certificate Examination (GCE O/L) Ordinary Level), iyadoo tibaaxdey inay qorsheynayso sidii ay ku noqon laheyd xirfadle dhanka culuunta technology Information technology (IT). Dulanjalie oo ku kortey nolol faraad iyo silic ah, waxaa waalidkeed isaga dhaqaaqeen iyadoo yar, ka dib markii ay sheegeen inaanay awood u laheyn inay caawiyaan gabadhooda cuuryanka ah, waxaana ay geeyeen xarunta xanaaneynta Ubadka ee loo yaqaan Mark Sri Sarana Home ee ku yaal magaalada Katukurunda ee gobolka Kalutara ee wadanka Sirlanka.

Gabadhan oo u dhalatey dalka Sri Lanka, waxay u adeegsataa waxbarashadeeda suulasha diciifka ah ee cagaheeda, sida ay daabacdey Jariirada Lakbima ee ku soo baxda Luuqada in Sinhala ee wadankaasi.

Dulanjalie Ariyatillake  oo gashay dadaal dheeraad ah oo karti ku dheehan tahay waxay u noqtey tusaale dhamaan ardeydii ay isku fasalka ahaayeeno, iyadoo lagu wado inay dhawaan wax ka jisho filim loogu magac daray  Samanala Thatu  ama (Butterfly Wings) oo macno ahaan noqonaysa garbaha balanbaalista, waxaana arintan loogu ogolaadey si loogu qiimeeyo dadaalkeeda.

Rita Perera oo ah haweenayda xanaaneysa gabdhan 15 sano jirka ah ayaa sheegtey in Dulanjiali ay ka tahay bartilmaameed dhamaan dhalinta ay isku da’da yihiin, iyadoo had iyo goor mashquul ku ah waxbarashada.

Dulanjalie waxay u adeegsataa faraha lugaheeda gaar ahaan suulasha inay cunto ku cunto, ku garaacato Computer-ka iyo waliba inay u adeegsato Isbitaalka Mobile-ka.

Rita Perera waxay sheegtey in Dulanjalie ay sidoo kale ka hesho inay garaacdo qalabka Mustikada, iyadoo labadeeda cagood adeegsanaysa.

“Waxay ka mid tahay kuwa aadka u maskaxda badan ee aynu ku hano xaruntan, waxaan ku dhiiri galinay inay waxbarato, waxaana had iyo goor inagu soo booqdan goobtan 

Daawo Sawrada





  




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved