Madaxweynaha Jabuuti oo ku qasbay Siilaanyo inuu gadaal ka istaago Madaxweyne Xasan Sheekh+SAWIRO

Monday 17 December 20120 comments


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ilaaliyay Nidaamka xeerka caalamiga ah kadib markii uu ka diiday Madaxweynaha Maamulka Somaliland inuu si garbo siman ah u wada socdaan isaga waa Madaxweyne Geelle, Xasan Sheekh Maxamud iyo Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa markii dambe lagu qasbay inuu gadaal ka soo raaco Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnihii la socday Madaxweyne Geelle  markii ay ku sii socdeen furitaanka Xafladdii Sanadguuradii 40 aad markii la qoray af soomaaliga oo maanta ka dhacday dalka Jabuuti.

Nidaamka Baritikoorka ayaa waxaa uu dhigaya in Madaxweynayaasha Gadaashood ay socon karaan xubnaha kale ee haaya wixii ka hooseeya jago Madaxweyne taasi ayaa ku qasabtay Siilaanyo oo xad iyo jeer ku dooda kala goynta Soomaaliweyn in uu gadaal ka istaago Labada Madaxweyne.

Eeg Sawirka Ninka Gadaal ka socda Labada Madaxweyne waa Siilaanyo





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved