Layaab: Gabar Soomaali ah oo Sheegatay in Ay Tahay Labeeb … ++ (SAWIRO)

Sunday, 30 December 20120 comments



Amal Aden oo ah gabar Soomaali ah, oo ku nool dalka Norway ayaa si cad oogu dhawaqdey in ay tahay haweeney ah nooca loo yaqaan Lesbian ee la nool haweenay kale.

waxa ayna Amaal ka shaqeysa arimaha qoxootiga iyo dadka soo galootiga ah ee dalkaasi ayadoona wax ku qorto Joornaalka Aftenposten ee ka soo baxa Magaalada Oslo.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa sheegay in Amal Aden oo ku dhalatay Soomaaliya iyadoo dalkana soo gashay sanadkii 1996kii, ay horey ugu ahaan jirtay Darbiyo jiif Magaalada Muqdisho ka dib markii sida ay sheegtay ay reerkoodu u qaxeen halkaasi.

Gabadhaan ayaa mudooyinkan dambe waxa ay soo saareysay qoraalo Is daba joog ah oo ay ku weerareysay hab dhaqanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway, iyadoo si xoog leh u soo badhigeysay hadalo ay ku sheegeysay in ay yihiin cadeeymo ay ka soo uruurisay qoysas Somaali ah.

Amal Aden oo horey u guursatay oo leh laba Gabdhood oo Mataano ah, ayaa waxa warkeedan ay ku sheegeeyso in ay tahay.


Haweenay Lesbian ah waxaa ay ku macnaysay mid ay doonayso in ay ku dhiiri galiso Dhalinyarada Musimka ah ee ku nool dalka Norway si ay ugu daydaan iyada oo ay u cadeystaan Wiilsha isla nool iyo Gabdhaha isla nool iyagoo isku jinsi ah.

Dhanaka kale Amaal ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeedo dhalasha ahaan Hargeysa gaar ahaan Degaanka Baadiyaha Bariga Burco halkaasi oo ay joogaan dadkeeda iyo eheladeeda waxa uuna hadalka Amaal uu qalqal aan la fileynin galiyay guud ahaan umad Muslimka ah iyo Soomaalida ku dhaqan dalkaasi oo haatan dhagta u taagaya in ay maqlaan waxyaabo ka badan intaa.
Halkaan ka Daawo Sawirada


                         





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved