Khaatumo iyo Soomaaliland oo ku diriray Gobolka Sool

Monday 24 December 20120 comments


Laascaanood, Hablaha(HMN)—Sida Hablaha Media Network uu xaqiijiyay Max’uud Dhuunkaal oo ka tirsan saraakiisha Soomaliland kooxa hubeysan oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin  Maamulka Khaatumo state ayaa weerar ku soo qaaday Fariisimo Ciidanka Soomaaliland ay ku leeyihiin Magaalada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool.

Sarkaalka ayaa xusay in weerar ay ku soo qaadeen Fariisimo Ciidanka Soomaaliland ay ku leeyihiin Magaalada Xudun isagoona sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay gacanta uga dhigeen hub iyo Maxaabiis Gaareysa 3 Ruux wuxuuna Tilmaamay in ay kala eryeen kooxihii weerarkaasi soo qaaday sida uu hadalka udhigay.

Dhuunkaal ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Xuddun ay tahay mid Degan islamar ahaantaana ay gacanta ku hayaan Ciidanka Soomaaliland.

Muddooyinkii Dambe ayaa Xiisado udhexeeya Maamulka Soomaaliland iyo Maamulka Khaatumo State waxa ay ka taagnaayeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool kuwaasi oo isku haya Gacan kuheynta Deegaanadaasi

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved