Hablayahow Ma Rabtaan In aad u Ekaato Qof ka Yar Da’adeeda Fadlan Sidaan Samee

Monday 10 December 20120 comments


waxaa jira habab dabeeci ah, taas oo inta badan dadka ay sahashadan  culimada khubarada 
ku ah   arimahaas ayaa  ku sheegay tobankan 
hab ee aynu hoos kusoo xusnay in lagu 
heli karo qurux saafi oo aan gabow laheyn, maxa yeelay waxaa dhacda in la arko qof da’adeeda iyo muuqaalkeeda aan isku dhigmin, 
hadaba si aad kaga hortakto samee habkan  aan dhibka badnen laheyn balse ubaahan baraarug: .

    




Cab Biyo!!!
Cab Biyo!!!

Biyaha badan jirka waxey u leeyihiin ahmiyad dadkuna kama dadaalan in ay cabaan biyo ku filan jirkooda  waxaa dhacda in qofku marka uu haraado in uu cabo 2 am 3 koob maalintii, iyadoo la rabo inuu cabo liter iyo bar qiyaastii maalinkasta.

Biyuhu jirka ayey nadiifiyaan maqaarkana way quruxiyaan, waxaad is hor dhigtaa biyaha mar walba si aad u xasuusatid biyaha inaad cabtid, marka danbe waad laqabsan doontaa. Qalad ayaa loo fahmay biyaha oo waxaa lamoodaa in marka la haraado kaliya la cabo, waxaase loo cabaa jirku inuu ubaahanyahay sidaa darteed jirkaagu inta uu ubaahanyahay sii biyo ku filan.dhaqdhaqaaqaaguna waa inuu bataa, cashadaaduna waa inay yaraata sababtoo ah waad seexanaysaa wax yar kadib jirkaaguna xiligaas wax ma gubayo, jirkaaga nasi!
 Seexo!!!!!

  

Jirkaagu wuxuu ubaahanyahay daganaansho, naftaaduna waxay ubaahantahay nasasho, hurdada yari raad ayey ku reebtaa qofkajirkiisa iyo naftiisa, sidaa darteed iska ilaali in aad dhafarto habeenkii, seexo markay mugdi noqoto, soona kac markay iftiin noqoto, macnaheeduna waa fiid seexo waabarigana soo kac.
Waxaad tahay waxaad cunto!

    Waxaad tahay waxaad cunto!

Hadaad badsatid cunida subaga waxaad noqonaysaa qof baruur badan, hadaad badsatid cunida khudaarta iyo faakahada waxaad noqonaysaa qof ay ka muuqato nafaqo iyo caafimaad. Yaree subaga cunidiisa waxaa laguu ogolyahay maalintii 30% kaliya inaad cuntid oo jirka ayaa ubaahan, laakiin hadaad ka badisato waa dhib aad ukordhisay jirkaaga, xasuuso mar walba in uu

gubo jirkaaga subaga uu cunay. Badso khudaarta iyo faakahada si nolol caafimaad leh aad u heshid, waxaanad noqonaysaa qof ka badbaaday cudurada waawayn oojir dhuuban oo qurux badan  leh.

Qoraxda badani waxay keentaa dhibaato, waxaana kamid ah in wajiga yeesho miin ama jactad iyo halmadow, quruxda wajiguna way tagtaa, maqaarkaaguna wuxuu u ekaanayaa qof dagdag u gaboobay.

   Jooji sigaarka, iskana yaree cabista  kafega.
    Jooji sigaarka, iskana yaree cabista  kafega.

Sigaarku maaha wax caafimaad leh, dhibtiisuna aad ayey u badan tahay xanuuno waawayn ayuu kuu keena jirka sida kansarka, wajigana wuxuu ku keenaa miin ama jactad, midabka wajigaagana wuu badalaa. Kaffega cabidiisa yaree oo maalintii 2-3 koob ha ka badin si dhibtiisa aadan uhelin.

    Vitamiin qaado
    Vitamiin qaado

Aad u isticmaal qudaarta oo aad ka heli karto vitamins kala duwan sidoo kale waxad isticmaali kartaa kaniinada laga helo  vitamiinada uu jirku u  baahanyahay, dumarku waxay ubaahanyihiin A-vitamin, B-vitamin, C-vitamin, E-vitamin, jod, Kalcium, selen.
    Farxad iyo jacayl.

    Farxad iyo jacayl.


Naftaada sii inay faraxdo waxna jeclaato, la farax dadka aad la joogtid, jecloow dadka aad la dagantahay, nafsiyadaada uraaxee oo sii inay qososho oo ay faraxdo, jecloow dadka ku jecel, la farax dadka aad jeceshahay. Farxada iyo jecaylku yaraan ayey kuu siyaadinayaan.

muuska waan jeclnahay oo badana ma qadayno la`aantiisa, balse gabadha Soomaaliyeedow miyaad ogtahiin  in muuska u yaala ay isku qurxin karaan?  muusku wuxuu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarkaaga, kana dhigaya  liisho, sidaasina waxay kugu cawinaysaa inaad quruxdaada ilaalisid Hadaba habkan u isticmaal muuska:

    Waxaad jarjartaa muuska oo yaryaree, kadib wajiga saar in 20 daqiiqadood u dhow, sidaasu wajigaagu ku nuugayaa “dhuuqayaa” saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.

    Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska,kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad dhaqdid timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa  isbadal wayn, timahaaguna way kuu dhalaali doonaan wayna jilci doonaan.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved