Gaari Qadka Ka Baxay Wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho Oo Dad Ay ku Dhinteen(Sawiro)

Wednesday 12 December 20120 comments



Labo ruux ayaa ku geeriyootay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii baabuur si xowli ah ku socday uu kala baxay wadada Maka Al-Mukaarama ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka shilka galay ayaa waxa uu ka baxay wadada isagoo si xowli ah ku socda waxana uu ku dhacay bohol oo weyn ku taal agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay shilkan ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa injineer dhinaca dhismaha ah halka ruuxa kalana uu ahaa qof marayay wadada.

Shilkan ayaa ahaa mid ka mid ah kuwa ugu xun ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo hore dhowr jeer hore ay ugaga dhaceen shilal noocan oo kale ah sida shilal ka dhacay buundooyinka ku yaal degmada Xamar Jajab oo baabuur ay ka dhaceen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya gaadiidka gaar ahaan kuwa raaxada loo yaqaan iyadoo aysan wadada Maka Al-Mukarama ay tahay wadada ugu mashquulka badan magaalada.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama hareeraheeda ayaa waxaa ka socda dib u dhis iyo dayactir lagu samaynayo dhismooyinkii hore ugu yiil wadadaas.

Waxana dhismayaashaas intooda badan haatan ay noqdeen huteelo ay degaan dadka ka yimaada wadamada qurbaha ah.





\




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved