Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Oo Boqalaal Dad ah kula Hadlay Magaalada Nairobi+(Sawiro)

Thursday 13 December 20120 comments



Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa boqalaal ruux kula hadlay xaflad loogu magac daray kwani Litsfest ,oo ka dhacday Magaaalada Nairobi.

Abwaan hadraawi ayaa ugu horeyn u mahad celiyay , kwani iyo dhalinta waayaha cusub ee surta galiyay qabsoomida barnaamiskaasi, loogu magac daray kwani Litsfest ee maalinti sadaxaad ka socanayay xaafada islii ee Magaalada Nairobi.

Abwaan Maxamed Ibraahim warsame (hadraawi ayaa suugaan fara badan oo uu xaflada ku soo bandhigay ka dib, su,aalo badan oo la waydiiyay dadka ugu jawaabay.

sidoo kale waxaa xaflada intii aay socatay ka soo qeeb galay Dr- C/Casiis Muuse Maaxaay G/ku xigeenka ganacstada Xaafada Islii Xuseen Maxamed Aar , iyo Abwaanad Dhoofo Qaliif Siyaad.

Dhanka kale waxaa la soo af meeray buug duco ah oo dadki ka qeeb qadanayay Xaflada kwani Litsfest aay u gudbinayeen Xildhibaanka laga soo doorto Kaamankuji Yuusuf Xasan Cabdi oo dhawaan dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay Masjidka alhidaaya ee Magaalada Nairobi.

munasabadahaasi loogu magac daray kwani Litsfest ,ee ka socanayo Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in Maaalinta jimcada ah lagu soo gaba gabeeyo Hoolka Poeri Palace ee Xaafada Islii .




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved