Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Ingariiska Ee Kooxaha Swansea City v Manchester United.

Sunday 23 December 20120 comments



Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Ingariiska Ee Kooxaha Swansea City v Manchester United.

Kulanka: Swansea v Manchester United
Garoonka: Liberty Stadium
Garsoore: Michael Oliver
Waqtiga: 4:30 p.m xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH

SWANSEACITY

Vorm

Rangel, Chico, Williams, Davies
Britton, Ki,
Dyer, De Guzman, Routledge
Michu
    MANCHESTERUNITED

De Gea
Smalling, Vidic, Ferdinand, Evra
Valencia, Cleverley, Carrick, Young
Rooney, Van Persie
Goolhayaha Swansea Michel Vorm ayaa la filayaa inuu soo laabto ka dib sideed isbuuc oo uu dhaawac la maqnaa.
Pablo Hernandez ayaa isna diyaar ah ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac, laakiin Angel Rangel ayay u badan tahay inuu kulankaan seegi doono.
Daafaca taamka soo noqday NemanjaVidic ayaa laga ayaabaa inuu ku soo bilowdo ciyaarta markii ugu horeysay tan iyo bishii September.
Shinji Kagawa ayaan diyaar u aheyn soo laabasho, halka Rafael uu weli dhaawac yahay.
MA OGTAHAY?
·         Markii ugu danbeysay ee ay Swansea ka badiso Manchester United waxa ay Janaayo 1982dii, waxaana ay markaas ku dhameysteen kaalinta lixaad ee horyaalka.
·         Labadii gool ee Michu uu ka dhaliyay Norwich aya ka dhigtay inuu durbaba barbareeyay ciyaaryahankii kooxda ugu goolashada badnaa xilli ciyaareedkii hore Danny Graham.

·      Manchester United ayaa laga dhaliyay 14 gool intii ay marti ahaayeen horyaalka xilli ciyaareedkan. Xilli ciyaareedkii hore xilligan oo kale kaliya 3 gool ayaa wadada looga soo dhaliyay.

·         Inkastoo Sir Alex Ferguson uu sheegaya in Robin van Persie uu horumariyay weerarka United, hadana United hal gool ayay ka yar tahay goolashii ay dhaliyeen xilligaan oo kale horyaalka xilli ciyaareedkii hore.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved