Dowlada Soomaaliya Oo Heshiis La Gashay Turkiga

Friday 7 December 20120 comments


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo
 Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gul
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis dhinaca ammaanka ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa heshiiska la galay dowladda Turkiga sida uu HABLAHA.COM u sheegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh.

Safiirku waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa uu ku saabsan yahay heshiiska oo ku tilmaamay mid militeri.
Safiirku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Madaxweyne Cabdalla Gul, maantana uu la kulmay Raiisul Wasaaraha Recep Tayyip Erdogon.

Danjire Maxamed Mursal, Waxa uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka taageerada sam
afal u fidiyay Soomaaliya markii abaaruhu ka dhaceen dalka sanadkii hore.

Dowladda Turkigu waxa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho ee ugu ballaaran u fidiya ardeyda Soomaaliyeed.

Ilaa 1600 ardey Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan oo wax ka barta dalka Turkiga, sida uu sheegay Safiirka.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved