Dhaqaatiir Soomaaliyeed Oo wax ku baratay China Oo Qorsheyneysa Sidii ay u Caawin Lahaayeen Bulshada Soomaaliyeed+(SAWIRRO)

Friday 7 December 20120 comments

Wuhan China,(HMN)Dhalinyaro cilmiga caafimadka ka baratay Jaamacadaha Shiinaha ayaa waxa ay go’aan ku gareen in ay ka qayb qataan sidii ay u caawin lahayeen walaalahooda Somaliyeed ee ku dhibataysan Somaliya, Dhalinyaradasi ayaa ku Midoobay Urur lagu Magaacabo SOMA (Somali Overseas Medical Association), kaasi oo laga Aas aasay dalkan shiinaha , waxaana uu ururkani wax Ka qabanayaa sidii loogu samata bixin lahaa Bulshada Somaliyeed Dhabaatoyinka cafimaad ee haysta.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxa Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) Mohamed Ciise Raage ayaa u Ambabaxay Caasimada Somaliya ee Muqdisho si ay halkaasi ugu kuura galaan Cudurada ugu badan ee Dadka Somalida ay qadaan iyo Qalabyada Hospitalada lagu Isticmaalo, si ay u ogadaan Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Wadanka Somaliya , islamarkaana ay wax uga qabtaan.


Haddaba waxaa Wafdigani kulamo laa qaadan donaa Madaxda Dowlada iyo Maamulka gobolka Banaadir si ay ugu wada hadlaan sidii Dhaqaatiir ka socota Dalkan China ay u imaanlahayeen Muqdisho si ay halkaasi uga fuliyaan adeegyo Cafimaad oo ay u qabanayaan Bulshada Somaliyeen bilawga Sanadka Cusub.

Ururkan laga Aas’aasay Dalka Shiinaha ayaa ah ururkii ugu Horeeyey oo ka shaqeeya Arimaha Cafimaadka , Waxaana uu ku howlan yahay sidii Hospital wayn oo lagu Dawayn doono Maqaarka Jirka (plastic surgery) iyo is Qurxinta jirta kaasi looga furi lahaa Caasimada Somaliya ee Muqdisho.





Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved