Daawo sawirro iyo Dekumintiya cadeynaya Lahaanshaha Suuqa Ceelgaab iyo Tarzan oo ka dhiganana Suuqa Goob uu gaar u leeyahay.

Wednesday 26 December 20120 comments


Ganacsatadii dowladii ka caanka ay siisay Suuqa Ceelgaab sida suuqyada kale ee caadiga ah ayaa waxa ay soo bandhigeen dekuminti cadeynaya in dowlad waliba oo dalkaan soo martay ay siineysay cadeymo muujinaya in dhulkooda ay u madax banaanyihiin oo dowlad iyo shaqsi gaar ah toona aysan ku qabsan karin.

Cali Ugaas Cabdulle, Duqii hore ee magaalada Muqdisho ee xilligii dowladii kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre, Allaha u naxariistee ayaa waxa uu ogolaaday in Barxadda Ceelgaab laga dhigo Suuq Soomaalidu ku ganacsato dowladuna ku canshuurto, waxa uuna ugu jarjaray Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu sheegay 2016 min 2m*2m, iyada oo canshuurna looga qaadi jiray.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa lasheegay in uu barxadaan ka dhigi rabo baarkin uu leeyahay Hoteelka SYL oo xaaskiisu ay kireysatay, dooneysana in ay ku shaqeysato, iyada oo hoteelka iyo barxada Ceelgaabeed ay u dhexeyso oo kali ah wada gaadiidku maro.

Dadka dhulkaasi dowlalda Hoose ay u ku canshuuri jirtay hada intooda badan waxa ay maalin ama laba maalin kadib isugu yimaadaan barxadda oo darbi lagu wareejinayo albaabka horana looga dhejejiyay tabeelle lagu qoray (Beerta Nabadda).

Halkaan ka daawo sawirka Tabeelaha irirda looga dhejiyay Suuqa Ceelgaab ee derbiga lagu wareejinayo iyada oo leeska indha tirayo qeylada ka soo yeereysa Shacbka Soomaaliyeed.



Dowladii hore ee Allaha u naxariitee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa madaxdii gobalka Banaadir xasuusisay xuquuqda Suuqa Ceelgaab.

Halkaan ha fiir warqad uu qoray wasiirkii hore ee arimaha Gudaha, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) oo uu u dirayo gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Allaha u naxasiirstee Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dhdeere) oo uu ugu sheegayo in xuquuqda Suuqa Ceel gaab ay leeyihiin ganacsadata Soomaaliyeed ee tiradoodu yahay 2016.









Madaxdii gobalka ee xilligaas iyana maxey kariraahdeen?
Halkaan ka aqri warqad iyana uu ku cadeynayo lahaanshaha Suuqa Ceel Gaab gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Allaha u naxasiirstee Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dhdeere).


Masuuliyiintii wax katiri waxaa kamid ahaa taliyihii hore ee Police-ka Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid. Fiiri isna warqada uu uaga hadlayo xuquuqda dhulkaasi.

src='images/news/tttpgbcqt.jpg' alt='' style='margin:5px' align='left' />


Maxkamada Gobalka Banaadir waxa ay kamid aheyd hey'adaha soo fara geliyay arinta.


Agaasimihii waaxda suuqyada ee gobalka Banaadir isna waa kahadlay xuquuqda lahaanshaha Suuqa Ceelgaab.




Golaha deegaanka ee degmada Waaberi ayaa iyana gobalka warqad ay uga hadlayaan Suuqaan u qoray.


Maxamuud Eestaro oo kamid ah odayaasha Suuqaasi laga duudsiinayo ayaa waxa uu sheegay in markii ay u tageen dhowr mar gudoomiyaha gobalka uu si cad ugu sheegay in uu jecelyahay in uu xilkiisa ku waayo intiii dhulkaasi uu siin lahaa dadkii lahaa, arintaas oo muujineysa danta Tarzan dhulkaan ka leeyahay in ay tahay mid feel fog kutaalla.

Suuqaan Ceel Gaab oo Tarzan uu sida bareerka ah uga duudsiinayo Shacabka leh isga oo kursiaga uu ku fadhiyo kutakri falaya ayaa horay waxaa loo oran jiray Suuqa Sablaale sida ay ku warameen kooxda ku doodeysa milkiyadiisa ee iyana laga yureynayo.

Maxamuud Cabdulle Maxamed (Cijooy) oo kamid ah dadka u taagan mitirada yar ee ay suuqaasi ku lahaayeen ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Tarzan uu diiday warqad kasoo baxday Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed oo lagu marayo in uu joojiyo Dhismaha Sharci darada ah ee uu kawado Suuqa Ceel gaab.

Halkaan kafiiri warqad ay qortay xeer ilaalinta dalka oo ay u diresyo taliska Police-ka Soomaaliyeed oo amar lagu siinayo in ay ka joojiyaan Tarzan in uu dhiso Suuqa Ceel gaab wixii dacwo uu qabana uu layimaado.


Taliyaha Police-ka Soomaaliya ayaa warqadaasi u diray Tazsan iyada oo Tarzan markii ay gaaraty uusan meel kasoo qaadin taas oo ku qasabtay taliyaha Police-ka Shariif Shiikhunaa Maye in uu warqad cabasho ah ku celiyo xeer ilaliyaha guud isaga oo ku wargelinaya in ay Tarzan u taag waayeen hadii ay wax ka qaban lahaayeenna arintu ay qabiil isu bedeleyso.

Cali Cabdi Wardhere waxa uu kamid yahay dadka ku jaha wareersan sida xun ee Tarzan uu isagu ula wareegay dhulka intaa la eg ee ay wada leeyihiin shacbaka 2000 kabadan, waxa uuna sheegay in aysan udul qaadan karin in Tarzan dhulkooda uu ka dhigto Baarkin ay isticmaalaan dadyooga kusoo hiranaya hotelka Xaaskiisa.Halkaan kadaawo sawirada dadka dhulka u doodaya oo geed kuyaala bartamaha suuqa kusugan iyo Hoteelka SYL ee ladoonayo in Suuqa Ceel Gaabeb in barxadii gaadiidka loodhigi lahaa ee lagu kaabi lahaa looga dhigo oo gadaashooda kamuuqanaya.


Maxamed Kuus Shariif ayaa isna sheegay in rejada kaliya ee ay leeyihiin ay tahay in Wasiirka Amaanka qaranka Soomaaliya uu amar kusiiyo gudoomiyaha gobalka in dhulkaasi uu faraha kaqaado oo uu u daayo shacabka ku shaqeysan jiray.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo ah nin si aad ah ugu dheeraaday isdaba marinta iyo Musuqqa ayaa waxa uu doonayaa inta uu gobalka uu ku suganyahay uu sii abuurto ilo dhaqaale uu iskumareeyo Mustaqbalka marka laga xayuubiyo xilka uu hadda Hayo ee hantida badan u kulunsanayo.

Tarsan waxa uu horay u iibsaday Bacadlaha suuqa Xamar Weyne, isaga oo lacagihii uu kabixiyayna dhigtay Bakiga Salaama, halkaasi oo uu ku xareestay lacagtii dhan oo uu kabxiyay Bacadlaha, ayaa hadana waxa uu usoo jeedaa sidii wax kasta oo uu maleynayo in uu boobi karo uu jeebka ku shubto.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved