Ciidamo Meleteri ah oo maanta haween fara badan kufsi Wadareed kula Dhaqaaqay.

Tuesday 25 December 20120 comments



wararka laga helayo gobalka Sh/hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in maanta ciidamo meleteri ah ay Isbaaro soo booda ah u dhigteen gaari tiro dad ah weday oo marayay inta u dhexeysa Mareereey iyo degmada Afgooye ee bariga gobalka Sh/hoose.

Ciidamadaasi meleteriga ah ee gaarigaasi isbaarada u dgigtay waxa ay qaateen dhamaan wixii hanti ahaa ee ay wateen rakaabka gaariga, iyaga oo kadibna kufsi wadareed kula dhaqaaqay sedax haween ah oo lasocday gaariga, sida ay xaqiijiyen qaar kamid ah rakaabkii lasocday.

Sedaxda haweenka ah ee sida safmarka ah loo fara xumeeyay laba kamid ah waxa ay ahaayeen gabdho aad u da’ yar kuwaas oo dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen dirqiga iyo arxan darrada ay kula dhaqaaqeen askartaasi Soomaaliyeed.

Haweenkaasi waxaa ladhigay Isbitaalka Magaalada Afgooye ee gobalka Masiibadu ka dhacday, waxaana halkaasi loogu fidinayaa gargaar caafimaad.

Horay Isbitaalka Afgooye waxaa loo dhigay haween badan oo sidaan oo kale ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay faraxumeyn ugu geesteen, waxaana waayihii danbe uu kufsiga haweenka lagula dhaqaaqayo uu Soomaaliya ka noqday mid kamid ah danbiyada maalinlaha ah ee dhacaya.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved